Ciidamada Ammaanka Puntland oo xiray xaruntii shirkadda AMAL Garowe

15 Aug 2016 (Puntlandes) Ciidamada Puntland ay saaka xiray Xarunta Shirkadda Xawilaada Amal ee Magaalada Garowe, iyagoona xilli hore saaka shaqaalaha xarumaah AMAL Garoowe ku wargeliyey in shirkadu xirantahay.

230-1a1

Amarka ay Ciidanka saaka aroortii ku xireen xarunta shirkadda ayaa waxaa la sheegay inuu bixiyey madaxweyne kuxigeeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo madax u ah Guddiga taakulaynta

Warar laga helauyo shaqaalaha xarunta qaarkood ayaa waxay sheegayaan in loo xiray Shirkada kadib markii ay madaxda shirkaddu ay diideen inay bixiyaan lacag dhan 60, 000 oo dollar oo ammaanka looga qaybgelayo.

Puntlandes.com

About The Author