Wax ka ogow Xilalka uu Siilaanyo u magacaabay SSC Wadahalka Somaliland & Galayr!!!

15 Aug 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay magacaabay 9 Xubnood oo kasoo jeeda Beesha SSC taas oo uu kala tashaday Cali Khaliif Galayr oo hogaamaiya Khaatumo wadahadalo uu ugu biirayo Somaliland ay iminka bilaabatay.

230-1a2

Xubnaha xilalka loo magaacabay ayaa kala ah sidatan:

1., Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Mudane Cusub

2., Guuleed Maxamed Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane Cusub)
3. Yuusuf Axmed Faarax (Af-lahaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Mudane Cusub)
4. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland .
5.  Maxamed Axmed Xasan (Jabarti), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Guddida

  1. Maxamed Axmed Aadan (Maxamed Boocame) Loo Magagacaabo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland

7.Sarreeye Guuto, Saleebaan Barre Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka
8. Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha gobolka maroodi jeex.

9 -La taliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha xaaji Jeeni yare

Puntlandes.com

About The Author