Sawirro: Ciidamada & Ciidanka DANAB oo gacanta ku dhigay gaari u lahaa madaxii al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka ka dhaca Galkacyo

15 Aug 2016 (Puntlandes) Ciidamada DANAB iyo Ciidanka PSF ee Puntland ayaa maanta soo bandhigay gaari uu lahaa sarkaalkii u qaabilsanaa Kooxda Alshabaab dilalka ka dhaca xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Gaarigaan ayaa leh labo Kaariko oo kala ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland waxaana la xaqiijiyay in loo adeegsan jiray dilalkii laga fuliyay Magaalada Gaalkacyo.

Madaxa Alshabaab ee dilalka magaalada Gaalkacyo ayaa magaciisa loo soo gaabiyay, Nuur Deeq waxaana la xaqiijiyay inuu leeyahay Gurigii lagu qabtay ninkii u dhashay dalka Suudaan.

Gaariga oo noociisu yahay Laanguruusal ayaa lagu soo qabtay Koonfurta magaalada Gaalkacyo,waxaana la sheegay inuu Gaalkacyo ka baxsaday Nuur Deeq oo lagu raad joogo.

Maaha markii ugu horaysay ee ay Ciidanka DANAB iyo Ciidanka PSF ee Puntland ay Xaafadda Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ay ku soo qabtaan Rag ka tirsan Kooxda Alshabaab oo Waxgaradka reer Gaalkacyood ku layn jiray magaaladaasi.

Xaafadda Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug ayaa waxay tahay goob hay u ah Kooxda aan Arxanka lahayn ee Alshabaab iyagoo dhanka Waqooyi ee magaalada ku laaya dadka bir ma gaydada ah.
230-1a5

230-1a6

230-1a7

230-1a8

230-1a9
Puntlandes.com

About The Author