Dhagayso: Dawladda Puntland oo ka Tacsiyeysey Geeridii ku timi Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 17 Agoosto, 2016 si wada jir ah uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur oo ka mid ahaa isimada Puntland isla markaana habeenkii xalay ahaa ku geeriyoodey waddanka Turkiga oo uu u joogey arrimo caafimaad.

230-1c3

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuumka in uu ahaa shaqsi ku weyn shacabka reer Puntland welibana uu ahaa shaqsi u taagan ka shaqaynta nabadda iyo midnimada Puntland isla markaana uu ka mid ahaa tiirarka Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa Eebbe uga baryey Marxuumka in uu Jannada Fardawsa ka waraabiyo samir iyo iimaana uu ka siiyo dhammaan eheladii, Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland ee uu ka baxay.

” Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, waxaan maanta halkaan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dadweynaha reer Puntland meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Eebbe ha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur oo xalay ku geeriyoodey dalka Turkiga, Waxaan Eebbe uga rajeynayaa in uu naxariistii Jannada ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo Iimaan uu  ka siiyo.

Marxuumku waxa uu ahaa shaqsi ku weyn shacabka Puntland, marwalbana ka shaqayn jirey nabadda iyo midnimada Puntlad, waxaan sidoo kale shacabka Puntland ka codsanayaa meelba oo ay joogaan in ay marxuumka u soo duceeyaan” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

                                          Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun.


Puntlandes.com

About The Author