Sawirro: Carwada Bandhigga Buugaagta oo Muqdisho ka furantay

17 Aug 2016 (Puntlandes) Bandhiga Carwada Buugaagta ayaa maanta oo Arbaca ah ka furmay Magaalada Muqdisho, waana sanadkii labaad ee la qabto, waxaana ka soo qeyb galay dad kala duwan oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Bandhigan ayaa socon doona saddex maalmood, waxaana halkaasi Buugaag ay qoreen ku soo bandhigay Qorayaal isugu jira Soomaali iyo ajaaniib.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Diini oo ah Madaxa Carwada Buugaagta Muqdisho, isagoo xusay ujeedada bandhiggan iyo waxyaabaha uu xambaarsan yahay, wuxuuna tilmaamay in Bandhigan uu yahay mid aqoon iyo cilmi laga kororsan doono, si Soomaalida oo dhan ay isku dhaafsato aqoon iyo khibrad.

Qorayaasha bandhigan lagu casuumay waxaa ka mid ah Faaraxa Qarre oo dhowr buugaag qoray, waxaana uu soo bandhigay buugiisa Waaya arag, sidoo kale waxaa ka mid ah Qorayaasha ka qayb galay Yuusuf Xasan Isxaaq oo ah wariye ruug caddaa ah oo muddo dheer u soo shaqeeyay Laanta afka Soomaaliga ee B.B.Cda.

Sidoo kale dadka buugaagta qoray ee bandhigan hal abuurkooda lagu soo bandhigay waxaa ka mid ah Axmed Faarax Cali Idaajaa.iyo wariyihii hore ee BBC-da qaybta dunida la hadasha Andrew Harding ayaa ka mid ah qorayaasha martida ku ah bandhigan, wuxuuna qoray buug loogu magac daray The Mayor of Mogadishu (Duqa Magaalada Muqdisho).

IMG_0758IMG_0759IMG_0760IMG_0762IMG_0763IMG_0764IMG_0766IMG_0767IMG_0772IMG_0773IMG_0776IMG_0779IMG_0786IMG_0787IMG_0793IMG_0794IMG_0796IMG_0799IMG_0800IMG_0801IMG_0804IMG_0811IMG_0812IMG_0814IMG_0817IMG_0820IMG_0822IMG_0831IMG_0840IMG_0842IMG_0847IMG_0849IMG_0850IMG_0856IMG_0857IMG_0858IMG_0861IMG_0862IMG_0863IMG_0864IMG_0865IMG_0866IMG_0871IMG_0872IMG_0873IMG_0875IMG_0877IMG_0878IMG_0879

Puntlandes.com

About The Author