Sawirro: Duqa Galkacyo Tumay ”Ana Dhagaxa, Adna Dhoobada”

17 Aug 2016 (Puntlandes) Dhismaha Xarunta Maamulka Gobalka Mudug oo aan Dayactir Lagu Samayn Muddo dheer, iyadoo uu gebi ahaanba Dumay Qayb Ka Mid Ah Derbiga Dheer Ee Ku Wareegsan Xaruntaas .

Waxaana Maanta Dhisme ku Bilaabay Derbigaas dunsanaa Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo iyo Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumay ayaa Sheegay iney Gacmahooda Ku Dhisayaan Derbiga, si Bulshada Gobalka Mudug ay u Tusaan in Shaqo Walba la Qaban Karo.

GudoomiyeTumay oo ah nin dhalinyaro ah kuna soo biiriyey maamulka Degmada Gaalkacyo Firfircooni, karti iyo waxqabad muuqda ayaa Sheegay in maamulka Degmadu ay Dhawaan bilaabayaan Barnaamijyo lagu Hormarinayo magaalada Gaalkacyo, Isagoo Dhalinyarada ku Baraarujinayay iney Kala Qayb Qaataan.

Dhanka kale Isu Duwaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose ee Gobalka Mudug Nadiir C/nuur ayaa Maamulada Kale ee Degmooyinka Gobolka Mudug ku Baraarujiyay iney ku Daydaan Maamullka Degmada Gaalkacyo.

Maamulka Degmada Gaalkacyo oo yy Hoggaanka u Hayaan Dhalinyaro Firfircoon danaynayana Horumarka Magaalada ayaa noqonaya Maamul ay shacabku ku hanwayn yihiin inuu Horumar wayn gaarsiin doono.

DAAWO SAWIRRO

IMG_2001

IMG_2211

IMG_2194

IMG_2209

IMG_2189

IMG_2074

IMG_2185

IMG_2188

IMG_2177

IMG_2153

IMG_2172

IMG_2139

IMG_2109

IMG_2144

IMG_2119

IMG_2100

IMG_2113

IMG_2060

IMG_2098

Puntlandes.com

About The Author