FAALLO: Yaa Mudan inay Xildhibaanimo ahaan ku Matalaan shacabka Puntland & guud ahaan Soomaaliya?

17 Aug 2016 (Puntlandes) Soomaaliya waxaa laga filayaa inay dhawaan ka dhacdo Doorasho ay sal u tahay soo xulida Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kursiga Xubin Baarlamaan ahaan doona 4ta sanno ee soo socota.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanku waxay Dooran doonaan Hogaanka Baarlamaanka iyo Madaxweynaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hogaamin doona 4ta sanno ee soo socota.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa hubaal ah inay soo mareen dhibaato aad u baaxad wayn oo aan cidina Qoraal kusoo koobi karin 26kii sanno ee u dambeeyey ee aysan haysan dawladnimo taam ah, waxayna iminka u baahan yihiin in la saxo Qaladaadkii hore ee sababta u ah inay dawladnimada Soomaaliya dhaafi waydo Shaqsiyaad ku shaqaysta magaca ummadda Soomaaliyeed oo aan wax dan ah ka lahayn u adeegida ummadda Soomaaliyeed.

51 ergo ayaa soo Dooranaya Xildhibaan walba iyadoo Doorashadu ay ka dhacayso 7 Goobood oo Soomaaliya ka mid ah, waxaana mid ka ah Caasimadda Puntland ee Garowe oo lagu soo Dooran doono Xildhibaanada Shacabka Puntland u matalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

AYNU KA FIIRSANO XILDHIBAANADA CUSUB

Qaladka ugu wayn oo ay horay u geli jireen shacabka Puntland iyo Soomaalidu, una baahan in iminka si TAXADAR dheer uu ku jiro loo wajaho waxna looga qabto waa YAA MUDAN INAY XILDHIBAAN AHAAN U MATALAAN SHACABKA PUNTLAND IYO GUUD AHAAN SOOMAALIYA?

230-1d

Qaladka maanta la galo wuxuu saamayn inagu yeelanayaa 4ta sanno ee soo socota, wuxuu kaloo Saamayn ku yeelanayaa dalkeena Mustaqbalkiisa, Caruurteena iyo caruurtooda, wax saas u wayn oo saamayn intaas le’eg nagu yeelanaya waa inynu SI TAXADAR, Degenaansho iyo Ka fiirsasho ah aynu u wajahnaa.

Waxaynu u baa ha nahay Xildhibaan inoo Shaqeeya ee uma baahnin mid inaga Shaqaysta!!!

Su’aalo ay tahay in qof walba oo (Puntland) Soomaaliyeed uu iswaydiiyo ayaa ah:

  • Ma qof meesha inuu Mushahaar ku qaato doonaya ayeynu Xildhibaan ka dhiganaa?
  • Ma Qof kale oo aan Shaqaysan Caruurtiisana Biil u waayey ayeynu dhahnaa Caruurta ha ku korsado?
  • Ma oday DUQA oo waligiis na horfadhiyey oo wax uu soo kordhiyey Degaan ahaan baynu iminkana Xildhibaan ka dhiganaa ileen isagaa CAAN ahee?
  • Ma qabqable Dagaal oo ummad Soomaaliyeed Dhiigeed daadiyey, gacmahana Dhiig ku wata aana aqoon inuu samaan ka shaqeeyo Xumaan maahee baynu Xildhibaan ka dhiganaa?

230-1d3

Xildhibaan ka shaqeeya sidii dalkeenu Wadooyin ku helihaa, sida Xildhibaanada kale ee caalamka ka jira, ayaanu u baa ha nahay!

Waxay ahayd ayna iminka tahay in aynu soo saarno oo Xildhibaan ina Matela ka dhigano Qof Sharaf leh oo lagu yaqaan Aamin, waxqabad, Soomaalinimo, Daacadnimo iyo cadaalad fal, kaasoo ka shaqaynaya danaha shacabka reer Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

  • Shaqsi Degaankiisa Matala ummadda Soomaaliyeedna dhamaanteed Matala oo Xildhibaan u ah.
  • Shaqsi og Waqigii ummadda Soomaaliyeed uga lumay mice la’aanta kana shaqaynaya sidii loo sixi lahaa wixii qaldamay loo nawanaajin lahaa Soomaaliya oo idil, kaasoo inta uu uu Xildhibaanka yahay u adeegaya ummadda Soomaaliyeed ilaalinayana danaheeda.
  • 4 Sanno oo Xildhibaanimo ah waa FURSAD wax badan ummadda loogu qaban karo, waxaa la gaaray xiligii ay Shacabka Puntland ka fiirsan lahaayeen inay soo Celiyaan Xildhibaanada iminka ugu jira Baarlamaanka DFS ee aan ku Matalayn iyaga Muqdisho ee u joogay danahoodagaarka ah.

230-1d2

Xildhibaan ka shaqeeya sidii dalkeenu Garoomo Caalami ah ku helihaa, sida Xildhibaanada kale ee caalamka ka jira, ayaanu u baa ha nahay!

Waxaa la gaaray Xiligii ay Puntland iyo Soomaliba ay si Taxadar leh uga fiirsan lahaayeen Yaaa Mudan inuu Xildhibaan noqdo?

230-1d3

Xildhibaan ka shaqeeya sidii dalkeenu DekadoCaalami ah ku helihaa, sida Xildhibaanada kale ee caalamka ka jira, ayaanu u baa ha nahay!

Haddii aynu helno Xildhibaano inagu Matalaya inay noo Shaqeeyaan ee aan naga Shaqaysanayn, waxaa hubaal ah inay Dooranayaan Hogaan Baarlamaan oo sax ah iyo Madaxweyne ah kii dalka iyo dadka badbaadin lahaa!!

Shuruudaha looga baahan yahay qofka Puntland matalaya

1) Qof waxqabad ku sifoobay oo wax muuqda oo la taaban karo ummadda u qabtay

2) Qof Anshax Diineed iyo mid bulsho ka muuqato

3) Qof qaddiyad leh oo aan aheyn qof la iibsan karo aida djacda in badan

4) Qof Aqoon durugsan oo la caddeyn karo leh

5) Qof Aqoon sare u leh arrimaha Soomaaliya, wax baddanna kala socda

6) Qof bulshada uu rabo in laga dhex doorto magac iyo maamuus ku leh.

7) Qof beesha uu matalayo iyo bulshada guud uu yahay qof laga yaqaan magacna ku dhex leh wax qabad.

8) Qof ka dhex muuqan kara meesha uu u socdo iyo arrimaha ka jira.

9) Qof xaaladaha Muqdisho, Soomaaliya iyo dowladda Federaalka ah iyo sida ay u shaqeyso u kala soocan tahay garan karana waxa meesha ka socda iyo meesha hayaanka dowladnimo u socdo

1) Qof meel dheer hiigsanaya sida PM ama Madaxweyne si uu wax ugu qabto Ummadda Soomaaliyeed, dadkuna ku qanci karaan rabitaankiisa

GABAGABO

Fiiro gaar ah Muwaadin kasta oo inaga mid ah waxaa mas’uuliyadi ka saaran tahay inuu Xildhibaan u noqdo, oo uu soo saaro, Shaqsi isagana Matala, shacabka reer Puntland iyo kan Soomaaliyeedna Matala kana shaqaynaya dantooda kaasoo aan ahayn Shaqsi soo shaqatagay macaashana u arka MOOSHIN iyo MUSUQMAASUQ.

MUWAADIN soo saar Xildhibaan dantaada, danta Deegaankaaga iyo kan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ka shaqaynaya ubadkaaga u goglaya MUSTAQBAL ama berry ka fiican MAANTA!! Ogowna inay qasab kugu tahay inaan ka shaqayso Wanaagaaga iyo Wanaaga Soomaaliyeed saamayna waad ku yeelan kartaaye Gacmaha ha ka laaban una Hiili dalkaaga iyo dadkaaga maanta, haddii kale sidii ay ahayd uun bay ahaan doontaa ee taas ogow Cidnana ha eedin.

Puntlandes.com

About The Author