Sawirro: Xaflad Qalin Jabin ah oo loo sameeyey Arday Puntland ah oo wax ka baranayey dalka Itoobiya

Adis-Ababa: Boqol iyo laabatan Arday oo reer Puntland ah oo Wax ka baranayey dalka Itoobiya ayaa soo gabo gabeeyey heerarka kala duwan ee waxbarashada heer Jamacadeed, iyadoo Munaasabad balaaran oo lagu maamuusayey qalin jabintaas ay ka dhacday Magaalada Adis ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Munaasabada oo si heer sare ah loo soo Alagana soo shaqeeyey qabanqaabadeeda ayaa waxaa kasoo qaybgalay  dhalinyarada wax ka barata dalka itoobiya,waalidiin,haween iyo bulshada kala duwan ee ku nool Magaalada Adis ababa.

Ardayda ayaa ka qalinjabisey Jaamacadaha ku yaala gobolada wadanka kuwaas oo isagu jirey arday Schoolership ah iyo kuwa ka dhameeyey waxbarashada Jaamacadaha gaar loo leeyahay ‘Private University’.

Waxaa ka mid ah ardaydii dhameeyey heer labaad ee Jaamacada Master-degree ga Qunsulka dowlada Puntland u fadhiya dalka Itoobiya  Mudane Maxamed Aadan Faarax sidoo kale Dowlada Puntland ayaa 5 arday oo ka mid ah ardaydii dhameeyey waxbarashada gudoonsiisay Schoolership  Master Degree waxayna kala yihiin magacyadooda:-

1-Gudoomiyaha ardayda puntland  ee dalka itoobiya Maxamed Cismaan Xuseen

2-G/ku xigeenka Maxamed  Cabdi Carab

3-Afhayeenka ardayda Yaasir Axmed Maxamed

4-Xubinta Maaliyada  Muno Axmed

5-Dr-Maxamed C/qani

Kumanaan arday oo Puntland ah ayaa wax ka barta dalka Itoobiya kuwaas oo sanad walba xiligaan oo kale qabsada xaflado qalinjabineed taasoo ka dhacda caasimada wadanka Itoobiya ee Adis ababa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA MUNAASABADA

1

2

3

4

5

6

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

230-1e4

W/Q-Wariye: Abdialdif WaDani

E-mail: abdiladifwadani@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author