Dhagayso-Sawirro: Dayactir lagu bilaabay xafiisyada qaybta booliiska Gobalka Mudug

19 Aug 2016 (Puntlandes) Xafiisyada Booliiska Gobalka Mudug ee magaalada gaalkacyo ayuu Taliyaha Qaybta Ciidamada Booliiska Gobalka Mudug Cabdi Waaxid Cabdille Warsame waxaa uu sheegay in lagu bilaabay dayactir.

Dayac xooggan ayaa ka muuqan jiray Qaybta Ciidamada Booliiska waxaana Cabdi Waaxid Cabdille Warsame uu sheegay iney waqti galinayaan si ay u noqdaan kuwa lagu shaqayn karo.

Taliyaha ayaa sheegay iney bilaabeen wajigii koowaad ee dayactirka, isagoo Ganacsatada iyo qurba joogta ka codsaday iney ka qayb qaataan dayactirka xafiisyada booliiska Gobalka.

Ugu dambayntii Cabdi Waaxid Cabdille Warsame ayaa dadweynaha Gobalka Mudug ka codsaday iney amniga kala shaqeeyaan oo ay soo wargeliyaan wax walba oo shaki galiya.


230-2

230-2a

230-2a1

230-2a2

230-2a3

230-2a4

230-2a5
Puntlandes.com

About The Author