Sawirro-Video taariikh ah: 23 sano guuradii kasoo wareegtay Aasaaskii Radio Gaalkacyo oo la xusay

19 Aug 2016 (Puntlandes) Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay 23 sano guuradii kasoo wareegtay Aasaaskii Radio Gaalkacyo ayaa lagu qabtay Hotelka Uunlaaye ee magaalada Gaalkacyo.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo Mudane Dalmar Maxamed Cali, Gudoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Mudug Jacfar Yuusuf Cabdalle, Masuuliyiinta Shirkadda Golis Gaalkacyo, Aqoonyahanno, Qorayaal, Abwaano, Culimaaudiin, Dhallinyaro, Suxufiyiinta Gobolka Mudug iyo Marti sharaf kale oo farabadan.

Agaasimaha Radio Gaalkacyo Cawil Maxamuud Cabdi ayaa daahfuray munaasabada, wuxuuna Agaasimuhu ka sheekeeyay aasaaskii Radio Gaalkacyo iyo marxaladihii kala duwanaa iyo duruufihii adkaa ee ay kusoo shaqeysay idaacaddu, wuxuuna Agaasimuhu Alle uga baryay naxariis intii kasoo shaqeysay ee geeriyootay intii iyagoo shaqeynaysa xanuunsatay caafimaad buu Alle uweydiiyay isagoona intaa raaciyay inay abaalmarinayaan Masuuliyiin mudan in la abaalmariyo oo idaacadda garab iyo gaashaan u ahaa.

Daawo Video: Radio Gaalkacyo oo uu dabaaldagay 23 guuradii kasoo wareegatay aasaaskkiisii


Maxamed Jaamac Faarax oo kamid ahaa Shaqaalihii idaacadda Radio Gaalkacyo haddana kamid ah suxufiyiinta Gobolka Mudug waxaa uu hambalyo udiray shaqaalaha iyo Maamulka Idaacadda isagoona urajeeyay guul iyo horumar.

Agaasimaha Universal Tv ee Gobolka Mudug Siciid Cabdullaahi Kulmiye (Nadaara)  ayaa u hambalyeeyay shaqaalaha iyo Maamulka Radio Gaalkacyo, wuxuuna ku sii dhiirigeliyay shaqada ay bulshada u hayaan oo uu ka codsaday inay sii laba jibaaraan.

Umulkheyr C/weli Jaamac oo kamid ah Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Gabdhaha Gobolka Mudug ee (Muwojo) waxay amaan iyo boggaadin usoo jeediyay Maamulka iyo Shaqaalaha idaacada iyadoona sheegtay inay ku faraxsan tahay inay halkan ka dhiirigeliso Wariyaasha iyo Maamulka Idaacadda oo shaqo adag bulshada uhaya.

Haboon Yaasiin Jaamac oo katirsan Shaqaalaha Radio Gaalkacyo ka hawlgala waxay sheegtay in ay munaasabadan u tahay farxad maadaama idaacaddu u dabaaldegayso 23 sano guuradii kasoo wareegtay aas’aaskeeda, waxayna intaa raacisay inaysan ka daali doonin shaqada ay u hayaan shacabka.

Bishaaro Cabdiweli oo kamida Suxufiyiinta Gobolka Mudug waxay sheegtay inay aad iyo aad ugu faraxsan tahay kaqeybgalka Munasabada, waxayna sheegtay inay tahay mid aan la ilaawi karin doorkii horumarineed ee Radio Gaalkacyo iyadoo intaa raacisay in idaacaddan iyo shaqaalaheeduba ay usoo halgameen dalka iyo dadka.

Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Golis Gaalkacyo Maxamed Gaaciye ayaa ka hadlay xaflada wuxuuna hambalyo iyo boggaadin ujeediyay Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Gaalkacyo.

Qoraa Cabdi Barre oo munaasabada ka hadlay ayaa tiriyay tix gabay ah oo uu ku amaanayo shaqada ay idaacaddu bulshada u hayso kuna dhiirigelinayay shaqaalaha idaacadda ka shaqeeya.

C/fitaax Cali Xaashi iyo Ikraan Wadani ayaa kamid ahaa dhageystayaashii Idaacadda Radio Gaalkacyo ee munaasabada kasoo qeybgalay waxayna isla wada qireen dadaalka shaqaalaha iyo idaacadda ay u galeen horumarinta bulshada iyo ka shaqeynta nabadgelyada.

Gudoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Mudug Mudane Jacfar Yuusuf Cabdalle wuxuu hambalyo u diray Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Gaalkacyo wuxuuna intaa ku daray Gudoomiyuhu in shaqaalaha iyo Maamulka idaacaddu ay mudan yihiin in lagu abaalmariyo shaqada ay bulshada u hayaan, isagoona naxariista janno Alle uga baryay wariyaashii geeriyooday.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo Mudane Dalmar Maxamed Cali ayaa hambalyo u diray shaqaalaha iyo maamulka Radio Gaalkacyo wuxuuna ka codsaday inay sii laba jibaaraan shaqada ay bulshada u hayaan, wuxuuna idaacadda ku amaanay ka shaqeynta nabadda iyo horumarka Gobolka Mudug.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumey) ayaa si kooban uga soo sheekeeyay taariikhda soo jirtay 23ka sano ee ay leedahay Idaacadda Radio Gaalkacyo, wuxuuna bahda hadda shaqada wada ka dalbaday inaysan ka daalin hawsha ay shacabka u hayaan.

Gabagabadii Munaasabada waxaa la guda galay bixinta abaalmarino Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Gaalkacyo ay ugu talogaleen Masuuliyiin muteystay in lagu abaalmariyo garab istaagii iyo horumarintii ay ku sameeyeen idaacadda Radio Gaalkacyo kuwaasi oo munaasabada abaalmarino lagu guddoonsiiyay.

Dhanka kale Ikraan Wadani oo kamid ah Dhageystayaasha Idaacadda Radio Gaalkacyo waxay shahaado sharaf ay ugu talo gashay idaacadda ay gudoonsiisay Maamulka idaacadda.

Hoos ka Daawo Sawirro

DSC07614

DSC07618

DSC07621

DSC07632

DSC07665

DSC07678

DSC07684

IMG_2501

IMG_2526

IMG_2533

IMG_2547

IMG_2587

IMG_2589

IMG_2595

IMG_2604

IMG_2607

IMG_2621

IMG_2637

IMG_2647

IMG_2666

IMG_2701

IMG_2705

IMG_2707

IMG_2711

IMG_2713

IMG_2718

IMG_2720

IMG_2722

IMG_2726

IMG_2729

IMG_2751

IMG_2822

Puntlandes.com

About The Author