FAALLO: Yaa Mudan in loo Magacaabo Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya?

19 Aug 2016 (Puntlandes) Soomaaliya waxaa laga filayaa inay dhawaan ka dhacdo Doorasho taasoo marka hore la soo xulida doono Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyagoo Dooran doona Hogaanka Baarlamaanka iyo Madaxweynaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hogaamin doona 4ta sanno ee soo socota.

230-2a8

51 Egro oo laga soo xulay beesha Kursiga Baarlamaanka kasoo galaysa ayaa soo Dooranaya Xildhibaan walba iyadoona ay Doorashadu ka dhacayso 7 Goobood oo Soomaaliya ka mid ah oo ah caasimahada Dawlad Goboleedya iyo magaalada Muqdisho.

Guddiyada Doorashooyinka Dadban!!

229-5c2

Waxaa ilaa iminka la magacaabay Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federaal FIEIT iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dawlad Gobolleed (GHDDDG), iyagoo ka kooban 22 iyo 11 Xubnood.

Guddiga FIEIT waxa uu ka kooban yahay 22 Xubnood oo kala ah 10 DFS ah iyo 12 Dawlad Goboleedyada ka yimid, waxaana Guddigan Rabitaankiisa lagu soo xulay magacaabayna madaxweynaha DFS isla markaasna ah Musharax Xasan Sheekh, halka ay Guddiga GHDDDG oo ka kooban 11 Xubnood 3 xubnood DFS iyo 9 Dawlad Goboleedyada ka yimid, waxaana keensaday soona magacaabay madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada.

Labadan Guddi ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed maaha Guddiyo dhexdhexaad ah oo lagu kalsoonaan karo ayna u siman yihiin Musharixiinta Soomaaliyeed ee u taagan xilka Hogaanka dalka, iyagoo u janjeera dhanka madaxweynaha iminka ee ah Musharaxa u taagan xilkaas isla markaasna isagu maamulaya oo ka shaqaynaya oo kaliya sidii uu ku soo noqon lahaa, Xasan Sheekh.

230-2b

Hadaba waxaa MUDAN in la iswaydiiyo haddii uu Musharax Xasan Sheekh uu yahay ninka gaariga wada sidee ayey ku dhici kartaa Doorasha Xor ah oo lagu kalsoonaan karo? Haddii Guddiyada heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ay Musharax Xasan la shaqaynayaan sidee lagu heli karaa Doorasho loo simana yahay ? Yaase Xakamayn kara awooda Musharax Xasan Sheekh kana dhigi kara doorasha mid ay Musharixiintu u siman yihiin?

Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya

Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya waxa uu ka kooban yahay 21 Xubnood waxayna ka kala imaanayaaan sida Madasha Hogaamiyayaasha lagu go’aamiyey 9 Xubnood DFS iyo 12 Xubnood oo Dawlad Goboleedyada (2×6), waana Guudiga Doorashada ka dhigi kara mid loo simaan karo.

Hadaba su’aal aad muhiim u ah ayaa ah: Yaa Mudan in loo Magacaabo Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya?

Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya waa inay ka koobnaadaan Shaqsiyaad Caan ah, dhexdhexaad ah, magac iyo sharaf ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, laguna yaqaan kan shaqaynta wanaaga iyo badbaadinta Soomaaliya.

230-2a7

Baaritaan dheer oo ay samaysay Warbaahinta Puntlandes iyadoo u kuurgalaysa 2 xubnood ee Puntland yey noqon karaan? ayey waxay ogaatay Warbaahinta Puntlandes in Aqoonyanka aadka loogu yaqaan ka shaqaynta Horumarinta Soomaaliya ee lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cabdulle Cismaan Shuuke  iyo rag la mid ah ay noqon karaan xubno ka mid ah Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya.

Waa inay Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya ka koobnaadaan Xubno sida Shuuke oo kale ah laguna kalsoonaan karo sidaas ayey ku noqon kartaa Doorashadu mid Miisaaman oo uusan Musharax Xasan Sheekh oo kaliyihi baabuurka wadin.

Beesha Caalmaka iyo Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya

Waxaa muhiim ah inay Xubnaha Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya ay noqdaan kuwo ay Beesha Caalamku ay ku yarayso walawalka ay ka qabto in Doorashadu ay noqoto mid hal dhinac kar aran oo uu kaligiis maamulayo Musharax Xasan Sheekh.

Awooda Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya

Awooda Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya ayaa waxay gaarsiisan tahay inay dhahaan; Doorashadu si sax ah uma dhicin oo waa waxba kama jiraan h; haddii ay arkaan in wax la is daba mariyey.

Tuhunka ah in wax la is daba mariyo waa uu jiraa bal eeg Guddiga FIEIT waxaa keensaday Musharax Xasan Sheekh waxaana Gudoomiye u ah Abuukate Cumar Dhagey oo ka socda Xafiiska Musharax Xasan Sheekh, Guddiga GHDDDG ee Puntland, Galmudug, Hiraan/Shabeelaha Dhexe, Somailand iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay ka socdaan Xafiisyada madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada waxaan madax u ah rag gacansaar aad u dhow la leh madaxweynayaasha.

Sidaas daraadeed kalsooni ah inay wax walba ku dhacaan si loo siman yahay ayna Doorashadu noqoto mid Xor ah oo loo siman yahay aad ayey u yar tahay ama ma muuqato iminka sida ay wax ku socdaan.

230-2b1

 

Ugu dambayntii Doorasho XOR ah kama suurto gelayso inay ka qabsoonto Soomaaliya haddii aan la helin Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya oo ka yimaada Shaqsiyaad ay ummadda Soomaaliyeed aamini karaan kana dhiga Doorashada mid Xor ah oo loo siman yahay.

Sida Guddiyada Doorashada ee FIEIT iyo GHDDDG haddii ay ka koob naadaan Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya shaqsiyaad uu keensaday Musharax Xasan Sheekh, waxay doorashadu ku dambayn doontaa mid la Musuqmaasuqo aanna ahayn mid Xor ah oo loo siman yahay iyadoo uu si Musuqmaasuqa uu ku soo bixi doono Musharax Xasan Sheekh

Si ay Musharixiintu ugu sinaadaan Tartanka Doorashada ayna u hesho kalsooni ummadda Soomaaliyeed waxaa qasan ah in Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaliya uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo loona siman yahay.

Akhriso qoraalkan ay warbaahinta Puntlandes ka qortay Xildhibaanada cusuc ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS FAALLO: Yaa Mudan inay Xildhibaanimo ahaan ku Matalaan shacabka Puntland & guud ahaan Soomaaliya?

 

Puntlandes.com

About The Author