Raysul Wasaare ku xigeenka DFS Maxamed Cumar Carte oo ka gaabsaday u tacsiyeeynta Marxuum Gen Maxamed Cali Samatar

20 Aug 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaare ku xigeenka DFS Maxamed Cumar Carte oo ka gaabsaday u tacsiyeeynta Marxuum Gen Maxamed Cali Samatar oo Xalay ku geeriyooday dalka Maraykanka.

230-2b8

DFS ayaa go’aan ku gaartay in Marxuum Gen Maxamed Cali Samatar lagu aaso oo Aas Qaran loogu sameeyo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Geerida Marxuum Gen Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa ka Tacsiyeeyey Madaxweynaha DFS, Raysul Wasaaraha DFS, Wasiirka Gaashaandhiga DFS iyo wali mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin badan oo uu ka mid yahay Gen Maxamed Siiid Xirsi Morgan, laakiin waxa dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood ay lasoo xiriireen Warbaahinta Puntlandes ay la yaabeen in uusan ka Tacsiyey Raysul Wasaare ku xigeenka DFS Maxamed Cumar Carte.

229-10a4

Mr Carte oo ah Raysul Wasaare ku xigeenka Dawlada Federaalka Soomaaliya  ayaa isagoo u ah mas’uul sare Soomaali oo idil waxa uu u dhaqmaa nin mas’uul u ah Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya ka go’day 1991kii.

Waxaa cadaatay in Mr Carte uusan Soomaali ku faker ahayn ee uu yahay nin la fikir ah Somaliland kana shaqaynaya inuu dalka kala gooyo, isagoo dayacay mas’uuliyadii uu u hayey dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

Puntlandes.com

About The Author