BREAKING NEWS: FAAHFAAHIN QARAXYO GAALKACYO LAGU WEERARAY

21 Aug 2016 (Puntlandes)  Xero Dayax oo ah meesha ay dawlada Puntland ka dhisaysayy 100 ka Dukaan,  oo iminka dadka loo dhisayey kana agdhow meesha ay ku taalo xarunta dawlada hoose ee Gaalkacyo ayaa waxaa ugu horayn ka dhacay Qarax aad u Xoogan.

226-3

Isla markiiba  waxaa goobta gaaray Ciidanka amaanka Puntland iyagoo xiray oo isku wareejiyey goobtii uu Qaraxu ka dhacay.

Wax yar kadib ayaa waxaa lagu soo weerararay goobtii Qaraxa koowaad uu ka dhacay ee ay Ciidamadu xirteen gaari loo yaqaan (NOAH) mini bus oo loo soo adeegsaday Qaraxa labaad, gaariga oo ay isku dayeen Ciidanka amaanku inay joojiyaan ayaa goobta isku Qarxiyey iyadoo Ciidanku ay Xabadaynayaan.

Qaraxa labaad ee loo adeegsaday gaariga NOOH loo yaqaan ayaa sababay siday  Warbaahinta Puntlandes ogaatay Khasaare  badan oo aysan wali noo suurto gelin in aan helno tirade Dhimashada iyo Dhaawaca.

Wixiii war ah eek u soo kordho Weerarka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author