Gaalkacyo: Daawo muuqaal Qaraxii maanta, Alshabaab oo sheegatay iyo Madaxda Gobolka oo ka hadlay.

21 Aug 2016 (Puntlandes) Qaraxii maanta kadhacay Gaalkacyo oo ahaa kii ugu xooga badnaa ee ka dhaca Puntland, ahaana kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaaladda Gaalkacyo, ayaa haatan waxaa ay khasaarihiisa nafeed maraysaa, 22ruux, halka dhaawacuna uu kor u dhaafayo 30ruux.

IMG_3180

Dhacdadaan ayaa isla markiiba waxaa sheegatay Al-shabaab, waxaana ay sheegeen in ay ula danlahaayeen Golaha deegaank dagmada Gaalkacyo, sidoo kalana waxaa la beegsanayey, gudiga dib usixidda dagmada Gaalkacyo oo uu ku jiro Wasiirka hawlaha guud iyo gadiidaka, wasiiru dawlayaal iyo wasiirka caafimaadka oo isna jooga magalada kana qayb gali lahaa Kal fadhiga.

Talihaya Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo Gudoomiyaga Gobolka Mudug, ayaa sheegay in aysan tani shaqadooda hor joogsan doonin, shacabkana waxaa ay ugu baaqeen in ay amaanka ka shaqeeyaan.

Daawo Muuqaal.

Puntlandes.com

About The Author