Maanta oo Itoobiya loo qaadayo dhaawaca liita ee Qaraxyadii shalay ee Gaalkacyo

22 Aug 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ay ku wajahan tahay maanta Diyaarad ka imaanaysa dalka Itoobiya, taasoo lagu qaadi doono dhaawaca liita ee dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarkii Qaraxyada ahaa ee shalay ay Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ku qaaday xarunta dawlada Hoose ee Gaalkacyo.

230-3a5

Diyaaradan ku wajahan Gaalkacyo ayaa waxay u qaadi doontaa Itoobiya si loogu soo daweeyo dhaawaca culus, kuwaasoo ay warka ku heshay Warbaahinta Puntlandes inay gaarayaan 12 qof

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author