Dhagayso: Agaasimayaasha Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo & kan Dhagacadde oo ka hadlay Khasaarihii Qaraxyadii Galkacyo

22 Aug 2016 (Puntlandes) Agaasimayaasha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo Dr Maxamed Xuseen Aadan iyo Agaasimayaasha Guud ee Isbitaalka Dhagacadde Dr. Cabdulqaadir Maxamuud Jaamac “Dhagacadde”  oo Saxaafadda la hadlay ayaa waxay warbixin ka bixiyeen Khasaarihii ka dhashay Qaraxyadii lagu weeraray shalay Xarunta Degmada Gaalkacyo.

230-3

Qaraxyadii shalay ayaa sababay dhimasho 25 qof ah iyo dhaawac in ka badan 40 qof, waana Khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara shacabka magaalada Gaalkacyo.

Shalay oo ay bishu ahayd 21ka Augosto 2016 ka waxay u ahayd shacabka Gobolka Mudug iyo gaar ahaan kan magaalada Gaalkacyo maalin gasha taariikh madow.

230-3b

Agaasimayaasha Guud ee Isbitaalka Dhagacadde Dr. Cabdulqaadir Maxamuud Jaamac “Dhagacadde” oo ay VOA waraysatay ayaa sheegay in Isbitaalka la keenay dad kor u dhaafaya 50 oo dhaawac ah iyadoo Isbitaalka la seexshay dad 40 kor u dhaafaya. Dr Dhagacadde o oka hadlaya dhaawacyada dadka soo gaaray ayaa yiri ”.. dhaawacu maaha mid aanu waligayo aragnay waxaa weeye Biro waawayn oo taban af leh oo meeshay galaan xataa hadaad kortagtid aadan kasoo saari karin…”

Dhagayso Dr Dhagacadde


Agaasimayaasha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo Dr Maxamed Xuseen Aadan oo ay BBC waraysatay ayaa sheegay in dadka ku geeryooday Qaraxyadaas ay yihiin isu gayn 25 qof.

Agaasimayaasha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo  ayaa sheegay in dhaawaca Isbitaalkiisa la keenay dad ay gaarayaan 38 qof oo dhaawac ah iyadoo u kala saaray mid fudud 11 qof , dhexdhexaad 17 qof iyo mid Culus 10 qof.

Agaasimayaasha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo  ayaa waxa uu sheegay inay ilaa iminka taageero Dawo ka heleen dawlada Puntland, isagoo Dr Maxamed sheegay inay Khasaare Isbitaalka kasoo gaartay oo qayb ka mid ah ay duntay

Dhagayso Dr Maxamed


Puntlandes.com

About The Author