Wasiirkii hore ee Maaliyada DFS Cawil Sulayaan oo ka tacsiyeyey weerarkii Gaalkacyo

Inaa lilahi wa inaa ileyhi raajicuun.

20160822_134523

Anigoo ah Mohamus Hassan Suleiman, wasiirkii hore ee maaliyada iyo qorshaynta ee dawlada federal ka ah, waxaan cambaaraynayaa weerarkii bahalnimada ahaa ee maalintii shalay lagu soo qaaday dada shacabka ah ee deggan magaalada gaalkacyo. Waxaan ka tiiraanyesnahay dadkii tirada badnaa oo iyagoon dagaal ku jirin oo nolol maalmoodkoodii  caadigaa ahaa ku jira la laayey, hantidoodiina la baabiyey. Waxaan leeyeyahay intii dhimatay allaha u naxariisto gacan ka xaq daran baa dishaye.  Waxaan tacsi u dirayaa ehaladoodii oo dhan iyo dawlada Puntland. Dadka dhibaatadaan gaystay waa dad aan nolol iyo nabad midna aaminsanayn Waxaan rajaynayaa inay dawlada puntland u suurtowda aqoonsato, soo qabato, ciiqaabta at mutaysteenna  mariso.

Waxaan ka codsanayaa, kuna dhiiri galinayaa dadka reer Puntland ee qurba joogta ah inay dadka badan ee dhaawaca ah u gurmadaan, daawo iyo dhaqaalaba u baahanyihiin.
Assalaama Calaykum


Sent from Gmail Mobile

About The Author