Sawirro: Xildhibaan Cabdi barre oo Gaalkacyo oo gaaray Booqdayna Dhawacyadii

23 Aug 2016 (Puntlandes) Xildhibaan cabdi barre Yuusuf Jibriil oo soogaaray magaaladda gaalkacyo ayaaa booqday, dhaawacyadii ku dhaawacmay qaraxii laga fuliyey magaaladda Gaalkacyo.

Booqashadii Isbitaalada kadib ayaa waxaa xildhibaanka soo dhweeyey warbixinna siiyey Gudoomiyaha Dagmada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin oo ay siwada jir ah saxaafadda ula hadleen.

Gudoomiyaha dagmada ayaa sheegay in aysan arintaani marka ka joojin doonon Shaqadii ay dalka u ahyeen, waxaa uu xildhibaanka uga mahadceliyey, in uu la qaybsanayo dhibtii soogaartay shacabkiisa.

Xildhibaanka aya ka tacsiyeeyey dhibaatadii ka dhacay magaaladda Gaalkacyo naf iyo maalba, waxaana uu dhanka kale baaq u diray, dhamaan shacabka Puntland oo uu kula dar daarmay insan, ku dag dagin meelaha qaraxu ka dhaco, balse ay taxadaraan, maamulkana kala shaqeeyaan, sidii amaanka loo xasilin lahaa.

Sawirro.

IMG_3686

IMG_3674

IMG_3655

IMG_3653

IMG_3641

IMG_3638

IMG_3628

IMG_3625

IMG_3621

IMG_3612

IMG_3611

Puntlandes.com

About The Author