Sawirro: Dowladda Hoose ee dagmada Gaalkacyo oo la tababa barayo.

Magaaladda Gaalkacyo waxaa ka furmay tababar ay soo qaban qaabisay, wasaaradda Arimaha gudaha iyo D/hoose ee Dowladda Puntland, waxaana taba barkaas loo qabtay, Golaha deegaanka ee Dagmada Gaalkacyo iyo maamulka Cusub ee dagmad Gaalkacyo.

Tababarkaan ayaa lagu barayaa hab raaca maamul wanaaga iyo kala qeexidda waajibaadka shaq, goladeegaanku ay u ilaaliyaan shaqada ay xaqqa u leeyhiin, sidoo kale ay si hufan ula shaqeeyaan, maamulka fulinta howl maamlmeedka dowladda hoose.

Wasaaradda Arimaha gudah iyo Dowladaha hoose ee Puntland, ayaa qorshahaan ugu tala gashay in ay ku dhisto aqoonta golaha deegaanka iyo maamulka cusub ee dagmada, Maadaama ay dadcusub la wareegeen D/hoose ee Gaalkacyo.

Waa markii ugu horaysay maamulka dagmada Gaalkacyo ay la wareegaan maamul dhamaantiis cusub, Intii ay Puntland dhisnayd, Marna ma aysan dhicin in halmar labadalo, dhamaan aqaasimayaasha waaxaha D/hoose, Xoghayaha, golaha deegaanka iyo gudoonkooda.

Baahida loo qabo in la helo maamul iyo xildhibaano isla jaan qaada, kuwaas oo yaqaan waajibaad kooda uggta sida ugu haboon ee lagu hor marinkaro Dagmada.

Tababarkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa ayada oo magaaladda Gaalkacyo uu ka dhacay, Qarax bur buriyey dhamaan xafiisyadii D/hoose ee dagmada Gaalkacyo, Waxaana ay D/hoose u guurtay xarun cusub oo ku meel gaar ah, halkaas oo laga wado shaqadii maalin laha ahayd, ee D/hoose.

Sawirro.

IMG_3752

IMG_3750

IMG_3736

IMG_3729

IMG_3728

IMG_3727

IMG_3725

IMG_3721

IMG_3719

IMG_3717

IMG_3716

IMG_3713

IMG_3712

IMG_3711

Puntlandes.com

About The Author