Sawirro: Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland oo booqday goobihi Qaraxu ka dhacay.

Gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Puntland ayaa waxaa uu booqday, xaruntii dowladda hoose iyo dhismayaashii shacabka ee khasaaruhu kasoo gaaray qaraxii axaddii ina dhaaftay.

Gudoomiyah Baarlamaanka oo uu booqashada ku weheliyo wasiirka Howlaha guud iyo Gaadiidka ee Puntland, ayaa waxaa uu goobta kula hadlay saxaafadda, isaga oo sheegay in ay shacabka iyo dowladda Puntland ay u midoobayaan, wax ka qabashada arimaha amaank.

Safarka gudoomiyaha ayaa salka ku haya, in utacsiyeeyo shacaabka Puntland uuna indhihiisa kusoo arko khasarihii dhaqaale ee halkaas ka dhacay, sidoo kalana la dadajiyo sidii dhaqtar loogu qaadi lahaa, dhaawacyada ubaahan in dibadda wax looga qabto.

Wasiirka hawlaha guud oo hadalka kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha ayaa sheegay, in ay rajaynayaan in laba asbuuc gudahood ay ku dhamaystiraan wax kasta oo qaraxaasi haleeyey, iyada oo dhismayaashii uu bur buriyey dib udhisid lagu bilaabay.

Waxa horaya magaaladda ugu sugnaa, Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna, kusimaha madaxweynaha Puntland, xubno ka tirsan golaha Wasiiradda iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Puntland, waxaana maanta kusoo biiray gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Puntland, waxaana la filayaa in ay dowladdu war kasoosaarto, kulamo ay lahayd maalmahaan.

SAWIRRO.

DSC_0019

IMG_3773

IMG_3774

IMG_3778

IMG_3780

IMG_3784

IMG_3791

IMG_3797

IMG_3803

IMG_3806

Puntlandes.com

About The Author