Sawirro: Tigay “Adna Dhoobada anna Dhagaxa Ninkii Dhuuntaa dhaxal kuma laha..aynu dib u dhisno Isboitaalka Gaalkacyo”

26 Aug 2016 (Puntlandes) Gudoomiyihii horre ee Gobolka Mudug Maxamuud Yuusuf Tigey ayaa barta uu ku leeyahay Facebook ga soo dhigay Qoraal uu uga hadlay Buburkii soo gaaray Isbitaalka guud ee Gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo Weerarkii Qaraxyada ay Alshabaab u adeegsatay ee Axadii Gaalkacyo ay ku qaaday.

Isbitaalka guud ee Gobolka Mudug ayaa waxaa kasoo gaasay Qaraxyadaas Khasaaro aad wayn isagoo qaybo badan ka dumay Isbitaalku.

Hadaba akhriso Qoraalka Gudoomiyihii horre ee Gobolka Mudug Maxamuud Yuusuf Tigey oo sidan u dhignaa:

Isbitaalka guud ee Gobolka Mudug ama Isbitaalka Jaamacadda Waxaa la Dhisay 1935 waa isbitaal Soomaali oo Dhan lagu daweeyo Maalintii Argagixisadu Gaalkacyo Qaraxyada ka Gaysteen waxaa Saalada Qalliinka Saarnaa oo la Qalayay Sadix Bukaan oo ka kala Yimid Kismaayo,Guriceel iyo Bosaso Waxaa maalintii lagu daweeyaa Isbitaalka gaalkacyo kun Qof oo soomaali ah,Sanadkii waxaa la gu Daweeyaa ku dhowaad afar Malyan oo Bukaan oo Soomaaliya oo dhan isaga kala yimaada Waa Hanti qaran.

Isbitaalka waxaa soo Gaaray Bur Bur aad u wayn waxaa Maanta deeqdii ugu Horraysay ee Dib u Dhiska Isbitaalka Gaarsiiyay ururka Somali Relief Network of North Amerika oo uu garwadeen ka yahay Shiikh Aadan Maxamuud Ciise Gaadaale Waa tillaabo ku dayasho mudan.
Dib u Dhiska Isbitaalka Umadda Soomaaliyeed Shaqadaas wayn u Haya Innaguu Dib u Dhis inaka Dhawrayaa waa inaynaan u kala Harin mid wax Haysta iyo Mid aan wax haysan Mid dalaka jooga iyo mid ka maqan.
Munaasabad ay goob joog ka ahaayeen maamulka gobolka kan Dagmada iyo maamulka Isbitaalka iyo Dhaqaatiirta ayaa waxaa laga soo jeediyay warbixinya isbitaalka waxaana Goobtaas lagu guddoonsaday inaynu Dhisanno isbitaalkeenna @ Adna Dhoobada anna Dhagaxa Ninkii Dhuuntaa dhaxal kuma laha

 

Daawo sawirrada
230-4b1

230-4b12

230-4b11 230-4b10 230-4b9 230-4b8

 

230-4b7

230-4b6

230-4b5

230-4b4

230-4b3

230-4b2
Puntlandes.com

About The Author