BREAKING NEWS: Xiisad Dagaal oo u dhaxaysa Galmudug & qaar ka mida dadka Xaafada Goorsoor ee Galkacyo

26 Aug 2016 (Puntlandes) Galbeedka Xaafada Garsoor ee magaalada ayaa waxaa iminka ka taagan Xiisad Dagaal oo u dhaxaysa maamulka Galmudug iyo qaar ka mida dadka ku nool Xaafada Goorsoor ee Galkacyo.

226-3

Xiisada ayaa timid kadib markii uu Maamulka Galmudug ee ka arimiya Xaafada Baraxley ee koofurta magaalada uu isku dayey inuu Saldhig Ciidan ka dhisto ama ka samaysto galbeedka Xaafada Garsoor oo hoosna timaada dawlada Puntland.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in ay iminka isku horfadhiyaan Galbeedka Xaafada Garsoor Ciidan badan oo uu maamulka Galmudug keenay iyadoo dhanka kale ay dad shacab ah oo ku nool Galbeedka Xaafada Garsoor ay geeyeen Ciidan Beeleed meeshaas uu mamulka Galmudug doonaya uu qaato.

Dhanka kale waxaa xusid in aysan dawlada Puntland oo loo igmaday ilaalinta dhulka Puntlandinaysan iska daa talaabo ay qaadaye aysan xataa ka hadlin, iyadoo ay iminka bilaabeed Shacabka Puntland inay ilaashadaan dhulkooda.

Puntlandes.com

About The Author