Faahfaahin: Gudiga Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii Galkacyo oo lagu dhawaqay

26 Aug 2016 (Puntlandes) Dawlada Puntland ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday Gudiga Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii ay Kooxda Alshabaab ku weerartay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Axadii ay bishani ahayd 21ka, kaasoo ay ka dhasheen Khaaro wayn oo Naf iyo maalba ah.

Dad aad u badan oo 50 kor u dhaafaya ayaa dhaawacyo kasoo gaareen iyagoo qaarkood ay yihiin kuwo halis ah una baahan Caawimaad.

FB_IMG_1472249134505

Xubnaha Gudiga Gurmadka oo ka kooban 9 Xubnood oo ay 6 ka mida heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa kala ah:

1 Suldaan Cabdisalaan: Isin
2 Prof. maxamed jaamac salaad: Dhaqtar Caan Puntland iyo Soomaaliya ka ah
3 Sheekh Aadan maxamed cigaal: Sheekh aad looga Tixgeliyo Gobolka Mudug
4 Aqoonyahan Cabdifitaax Maxamed Sugule: Aqoonyahan aad caan ugu ah ka shaqaynta Horumarinta arimaha Bulshada.
5 Xasan Maxamed Khaliif: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo caan ku ah inuu yahay Gacan Aamin ku ah Hantida Ummadu leedahay.
6 Maxamuud Yaasiin Axmed: Duqa Degmada Gaalkacyo oo ah nin Aqoonyahan ah oo dhalinyaro aadna ugu firfircoon ka shaqaynta Horumarinta.

Sadexda Xubmood oo aysan Warbaahinta Puntlandes u suurtoobin inay hesho magacyadooda ayaa waxay kala yihiin Qof haween ah oo dhalinyaro Aqoonyahan ah, labada kalena waa Aqoonyahano aad u firfircoon.

Muwaadin Fadlan  ka qayb qaado GURMADKA dalkaaga iyo dadkaaga waana arin aad mudnaanteeda u leh ee GACMO WADAJIR BAY WAX KU GOOYAANE u gurmo dadkaaga iyo dalkaaga.

Maanta maamulka iyo shacabka Gaalkacyo waxay kaaga baahan yihiin TAAKULAYN ee dhamaan Jaaliyaddaha Puntland ee Aduunka dacaladiisa ku nool iyo shacabka ku nool Puntland waxay reer Gaalkacyo idinka baahan yihiin GURMAD DEG DEG AH.

Dadka badan ee khasaaruha  Nafeed iyo midka maal kasoo gaaray waxaa waxaa wehliya Goobihii muhiimka ahaa ee shacabka loogu adeegi jiray sida Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug, xaruntii Degmada iyo waliba Suuq aad u waynaa oo dumay gebi ahaantiis iyo waliba Guryo ay shacabku lahaayeen.

Isbitaalka oo ah goob muhiim ah oo bulshada loogu adeego wuxuu u baahan yahay in si deg deg ah dib loogu dhiso.

Puntlandes.com

About The Author