BREAKING NEWS: Xabado goos goos oo ka dhacaya Goobtii ay Galmudug ka dhisaysay galbeedka xaafada Garsoor

27 Aug 2016 (Puntlandes) Rasaas goos goos ah ayaa saaka laga maqlayaa goobtii uu maamulka Galmudug ka dhisanayey Saldhiga Ciidan ee ahayd galbeedka xaafada Garsoor ee Puntland.

226-3

Maamulka Galmudug oo doonaya inuu Colaad abuuro ayaa saaka dib u bilaabay dhismaha Saldhigaas Ciidan waxaana ka hor joogsaday sida ay warka ku heshay Warbaahinta Puntlandes Malaushiyo kasoo jeega Xaafada Garsoor oo diidan inuu maamilka Galmudug goobtaas Saldhig ka dhigto.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa iminka ka jira Xiisad Colaadeed oo ay keentay dhismaha uu maamulka Galmudug ee ka arimiya Xaafada Baraxleey ee koonfurta Magaalada Gaalkacyo ku doonayo inuu Saldhig Ciidan uga dhisto deegasn ku yaal dhanka Puntland.

Colaadaan ayaan wax dan ah ugu jirin dadka reer Gaalkacyo ee Puntland iyo maamulka Galmudug.

Wixii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author