Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo dalka Turkiga kulamo kula qaatay masuuliyiin sar-sare

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga  magaalada Bursa ee dalka Turkiga ee aynu walaalaha nahay ayaa waxaa uu masuuliyiinta wasaaradaha waxbarashada iyo shaqaalaha  ee dalkaasi kulamo kula qaatay xarumaha Wasaaradahaasi.

Madaxweyanaha ayaa kala hadlay masuuliyiintaasi sii xoojinta  xiriirka dhinaca waxbarashada iyo tababarrada shaqaalaha  ee dawladda Puntland iyo dawladda Turkiga, isla mar ahaantaana Madaxweynuhu waxa uu kala hadlay dawladda Turkiga sidii ay usii kordhin lahayd deeqaha waxbarasho ee ay siiso dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray mac-hadka ugu weyn dalka Turkiga ee Farsamada gacanta iyo Farshaxanka ee lagu magcaabo BUSKEM, iyadoona Madaxweynuhu uu kala hadlay Masuuliyiinta Mac-hadkaasi qaabkii ay ardayda reer Puntland ee wax ka barata dalka Turkiga uga faa’iidaysan lahaayeen Mac-had kaasi.

Dhinaca kale Madaxweynuha ayaa kormeeray  goobaha taariikhiga ah ee dalkaasi oo uu ka mid yahay Masjidka weyn ee  lagu magcaabo EMIR Suldan, kaas oo ah goobaha laga heli karo taariikhaha facaweyn ee uu leeyahay dalkaasi Turkigu.

Ugu dambayn, Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa casho sharaf u sameeyey Maayorka Magaalada BURSA mudane. Recep Altepe, waxaana kulankaasi casho sharafta ahaa diiradda lagu saaray sidii loo mataanayn lahaa magaalada Bursa iyo magaalooyinka waaweyn ee dhigeeda ah ee Puntland.

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (11)

unnamed (12)

unnamed (13)

unnamed (43)

Puntlandes.com

About The Author