Wararkii u dambeeyey ee Koonfurta xaafada Garsoor ee Galkacyo & Iskiuulo aan manta la dhigan!!

27 Aug 2016 (Puntlandes) Deegaanka loo yaqaan Xurfada ee ku yaala  Galbeedka Xaafada Garsoor (Ex-Garsoor Warshada Galayda dhabarkeeda) ee Puntland oo uu maamulka Galmudug ka dhisanayey Saldhiga Ciidan ayaa Xiisadeedii wali Taagan tahay sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

230-3a5

Maalitii Axada oo ay Aoggosto ahayd 21ka ee Qaraxyada ay Alshabaab kusoo weerartay Gaalkacyo, kuwaasoo gaystay Kharaaso aad u wayn oo isugu jira Naf iyo maalba ayaa ayaa maamulka Galmudug waxa uu bilaabay, sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes, inuu Saldhig Ciidan ka dhisto Deegaanka Xurfada ee kuyaala Koonfurta Xaafada Garsoor.

Sida ay Xogta ku heshay Warbaahinta Puntlandes maalmihii ay reer Gaalkayo ku mashquulsanayeen Aaska dadkii ku dhintay Qaraxyadaas ayey waxaa lagu baraarugay dhismaha oo maraya 3 mitir, iyadoo ay muuqato inay isku xirnaayeen Dhismaha maamulka Galmudug  iyo Qaraxyada Alshabaab.

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ogaatay in dhulka uu maamulka Galmudug ka dhisanayo Saldhiga Ciidan inuu dhan yahay 500m x 500m, kaasoo ah dhul aad wayn iyadoo la xusuusto Khasaarihii uu dhaliyey weerarkii uu  maamulka Galmudug kusoo qaaday dawlada Puntland oo dhisaysa Wado 50m ah oo marta dhanka Puntland iyagoo ku doodaya anagay hadhow dhib nagu noqonaysaa.

Qax qayb Garsoon ah ka bilowday & Iskuulo manta xiran!

Xaafada ex Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa dadkii degenaa intooda badan ka qaxeen iyagoo ka cabsi qaba Colaada ka aloosan  Saldhiga Ciidan  ee uu maamulka Galmudug ka dhisanayo Deegaan kamid ah Puntland.

Labo iskuul oo waawayn oo ku yaala Koonfurta Xaafada Garsoor manta lama dhigan  iyadoo Cabsi dagaal darteed waxayna kala yihiin labada Iskuulada Umma iyo Bardacad.

Wali wax xal ah lagama gaarin Xiisada Colaadeed ee ka dhalatay Dhismaha Saldhiga Ciidan ee uu maamulka Galmudug ka wado deegaanka Xurfada ee Koonfurta Xaafada Garsoor, waxaana iminka ku jira qaboojinta xaalada odoyaal Beelaha Leelkase Puntland iyo Sacad Galmudug ah.

 

Wixii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

 

About The Author