Wasiirka Howlaha guud ee Puntland oo Deeq lacageed ee ugu horaysay ka gudoomay Ganacsade

Wasiirka Hawlaha guud oo Maxamed Jabuutaawi ka gudoomaya Lacagtii (Sawirka: Puntlandes,Gaalkacyo)

Wasiirka Hawlaha guud oo Maxamed Jabuutaawi ka gudoomaya Lacagtii (Sawirka: Puntlandes,Gaalkacyo)
Wasiirka Hawlaha guud oo Maxamed Jabuutaawi ka gudoomaya Lacagtii (Sawirka: Puntlandes,Gaalkacyo)

Tan iyo markii uu dhacay qaraxii Magaaladda Gaalkacyo, waxaa dadaal loogu jiray sidii caadi loogu soo celin lahaa goobihii uu saameeyey qaraxaas, iyada oo qayla dhaanta ugu badan loo diray ganacsatto iyo qurba jooga.

Maanta ayaa wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Dowladda Puntland, c/rishiid maxamed Xirsi, waxaa uu deeq lacageed ka gudoomay ganacsade Maxamed C/raxmaan Jabuutaawi, oo ka mid ah ganacsattada Puntland, oo noqonaya ganacsadii ugu horeeyey ee ka qayb qaata gar gaarka magaaladda Gaalkacyo.

Maxamed C/raxmaan ayaa Wasaaradda soo gaarsiiyey $2,000 (Laba kun oo Doolar), taas oo uuga qayb qaadanayo dib usoo kabashada magaaladda Gaalkacyo.

Daawo muuqaal

 

Xafiiska Warqabad
Gaalkacyo-Puntland-Somaliya.

About The Author