FAALLADA Puntlandes.com: Maxaa ka jira in Aqalka sare la laalayo?

28 Aug 2016 (Puntlandes)  Waxaa beryahan socday Dhaqdhaqaaq Siyaasadeed oo lidi ku ah Puntland iyo dadkeeda, taasoo la leeyahay Puntland waxay Boobtay Aqalka Sare.

Siyaasiyiinta iyo Shaqsiyaadka ku doodaya arintan waxay Marqaati ka dhigteen in horay Puntland loo siiyey 11 Xubnood oo aqalka sare ah, Shirkii Madasha ee 4tii ilaa 9kii Muqdisho ka socdayna loogu daray 2 Xubnood oo kale oo dheeraad ah, taasoo ka dhigaysa wadarta Guuud ee ay Puntland ka helayso Aqalka Sare 13 Xubnood.

Isla markiiba waxaa soo baxday in Somaliland ka Xanaaqday arinkaasi ayagoo taas ku macnaynaya in madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubaland Axmed Maxmed Islaan iyo Raysul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ay isugu tageen Somaliland, halka madaxweynaha DFS Xasan Sheekh na uu ugu sacabo tumay isagoo rajo ka qaba inay ku taageeraan dib usoo noqoshadiisa.

221-1a1

Muuqaalkani wuxuu keenay in dhamaan Soomaalida inteedii kale marka laga reebo Jubaland ay arintan kasoo horjeesteen oo loo arko Boob aad u wayn oo ay Puntland u gaysatay Soomaalida inteeda kale waxaana dhacday in meel walba la gaarsiiyey iyadoo Saxaafadda la adeegsanayo .

Maxaa ka jira In Puntland Boobtay Kuraasta Aaqalka Sare?

Sidaad la socotaan Aqalka sare in la sameeyo waxaa la go’aamiyey 2012kii iyadoo lagu daray Dastuurka oo sharci laga dhigay, hase yeeshee taas waxaa ka hor yimid in la hirgaliyo madaxweynaha DFS ee hadda waqtigiisu sii dhamaanyo Xasan Sheekh isagoo Baarlamaanka kaga bedeshay inaan isaga la Ruqsayn karin iyadoo meesha laga saarayo Qodobka dhahaya madaxweynaha hadduu dambi ku kaco ha la Ruqseeyo.

Puntland oo arintan la yaaban ayaa iyada laftigeeda waxay ku Mashquushay Doorashadeeda, halka Jubaland iyada markii ay Curatay dagaal lagu qaaday sidaas darteed waxa laga gaabiyey in Puntland arinta Qiil laga siiyo sababta keentay in Aqalkii sare la dhisi waayo.

Waxaa Gal dacwadeedkii samaynta Aqalka Sare madaxweyne Faroole ku wareejiyey inuu halkaas kasii ambaqaado madaxweynihii la Doortay mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, taasoo keentay in madaxweynihii cusbaa ee Puntland la sugo xiliga dawlada madaxweyne Xasan Sheekh uu Waqtigeedu dhamaanayo.

230-2a8

Waxaana dib u bilowday wadahadalo lagu baadi goobayo Qorshe Doorasho oo cusub ee 2016ka sababtoo ah waxaa suurto gal noqon wayday in madaxweyne Xasan Sheekh uu wadanka gaarsiiyo hal qof iyo hal cod.

Kadibna waxaa baadi goob loo galay hab cusub oo dib loogu noqonayo nidaamkii Qabaliga ahaa ee 4.5 taas waxaa ka biyo diiday Puntland iyo Jubaland iyagoo qiil ka dhiganayey in Nidaamkaasi uusan soo noqon sidii lagu heshiiyey 2012kii, waxaa kaloo markan dheeraad ku ah Dawlad Goboleedyada in intoodii badnayd ay diyaar noqdeen sidaas daraadeed waxaa dood dheer ka dib lagu Qanciyey Puntland in Aqalka Sare lagu saleeyo Hab dawlad Goboleed Aqalka Hoosana lagu saleeyo habkii Qabaliga ahaa ee 4.5 si horay loogu socdo.

Waxaa la doonayey in labada Aqal loo helo labo qaab oo lagu qaybsado, labadii Formalo oo Heshiisku ku dhamaadayna wuxuu noqday inaysan meelna uga jirin in Aqalka Sare Qaab Qabiil lagu qaybsado.

Somaliland Hay’adeheeda dawladu waxay ka kooban yihiin dad kasoo jeeda Dir iyo Daarood haddii ay Somaliland ay doonayso in aysan Aqalka Sare la wadaagin Sool, Sanaag iyo cayn ha cadayso inay Somaliland tahay Dir oo kaliya sida ay ula yimaadeen magaca cusub ee dir Waqooyi, iyadoo ayna jiri doonto Harti waqooyi hana loo kala baro Xubnaha aqalka sare.

Soomaalidu ama qaab Qabiil ha doorteen ama qaab dawlad Goboleed, dadka Muqdisho jooga ee ku doodaysa Puntland baa loo rooday oo uu ka mid yahay madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed waxaan xusuusinaynaa in labada Aqal lagu qaybsaday midna Qaab dawlad Goboleed (Aqalka Sare) midna Qaab Qabiil.

Waxa muuqata in maamulada  KGS, Galmudug iyo Villa Somalia ay ku midaysan yihiin in Aqalka Sare Gabi ahaantiisba la laalo sidii dhacday 2012kii taasoo keeni doonta kal daadasho hor leh oo Soomaaliya ku timaada iyo doorasha oo dhan oo meesha ka baxda.

Puntlandes.com

About The Author