FADEEXAD: Akhriso Warqaddii Beddeshay Wajigii Doorashada 2016

29 Aug 2016 (Puntlandes) Waxaa la kordhiyey Odeyaashii dhaqanka ee lama taabtaanka ahaa 135 yaa waxaa laga dhigay 136 iyadoo loogu daneynayo Farah Cabdulqadir oo isaga dartii labo xukuumadood loo soo riday.

Sababta ka dambaysa ayaa ah Loolan xoog leh oo u dhaxeeya Xildhibaan Farax Cabdulqadir iyo Fahad Yaasiin Xaaji oo maalmihii la soo dhaafay laga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo arrintan ay ka dhalatay markii labada nin oo isku beel ah ay isku qabsadeen kursiga Xildhibaanimo ee Beesha.

Shir qarsoodi ah oo aan caadi aheyn oo qaar ka mid ah madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay is qab qabsiga ka taagan kursiga Xildhibaanimo ee Beesha reer Aw-xasan, iyadoo arrintan aheyd mid maalmihii la soo dhaafay aad looga hadlay hayay Muqdisho.

Shir Qarsoodi ah oo Muqdisho ka dhacay!!

Shirkan qarsoodiga ah oo ay isugu yimaadeen Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa looga hadlay cabasho la sheegay inay ka timid beesha Reer Aw Xasan ama Taageerayaasha Xildhibaan Farah Cabdulqadir.

Warqad ay heshay Warbaahinta Puntlandes oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa muujinaya in Madaxda Madasha qaarkood ay isku raaceen in la abuuro oday dhaqameed cusub, kaasoo lagu kordhinayo liiskii 135 oday.

Warqadan ayaa si toos ah ugu socotay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaal, Guddiga doorashooyinka dowlad goboleedyada, iyadoo lagu ogeysiiyay Madasha Wada-tashiga Qaran, waxaana lagu howl geliyay Oday dhaqameed cusub oo lagu biirinayo liiska 135 oday.

 Xulista Kuraasta Xildhibaanada Beesha Reer Aw-Xasan oo kala qaaday!!

230-2a8

Sida lagu caddeeyay qoraalkan waxaa la kala qaaday soo xulista Kursiga Xildhibaan ee Beesha Reer Aw-Xasan, iyadoo Suldaankii hore uu hoggaamin doono howlaha la xiriira doorashada kursiga Xildhibaanimo ee Beesha reer Aw-Xasan ee Koofur Galbeed.

Halka Nabadoonka cusub ee la howl gelinayo uu hoggaamin doono kursiga Xildhibaan ee Beesha reer Aw-Xasan ka heleyso Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Kursigii Farax Cabdulqadir oo ,halis la galiyey

230-5a8

Arrintan ayaa ka dambeysay markii uu halis galay Kursiga Farax Cabdulqadir,  iyadoo xubnaha Madasha qaar ay doonayaan inay difaacaan kursigaas, maadaama laga war helay in Suldaankii Beeshaas uu doonayo in Fahad Yaasiin uu siiyo kursiga Xildhibaanimo.

Isku dayo badan oo Farax Cabdulqadir ku doonayay inuu ku hantiyo kursiga ayaa guuldareystay, waxaana  taasi keentay in Fahad ku xoog badnaado dadka noqon kara ergada, iyadoo halka Odey ee beesha reer Aw-Xasan ugu jirey Odayaasha 135 ah uu diidey inuu saxiixo ergo uu soo qortay Faarax C/qaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hiiliyey Farax Cabdiqadir

230-2b

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu door weyn ka qaadanayo arrinta, si uu saaxibkiis ugu difaaco kursiga Xildhibaanimo, waxaana taas keentay in loolanka ka dhashay kursigaas ay oday dhaqameed cusub lagu abuuro.

Hadaba halkan hoose ka akhriso warqadii ka soo baxday Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo lagu howl geliyay Saxiixa cusub oo ka dhigaya Saxiixayaasha 136..

230-5a7

Puntlandes.com

About The Author