Warbixin: Kulankii odayaasha Puntland iyo kuwa Galmudug.

Kualan ay kubalansanaayeen odayaasha labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, kaas oo salka ku hayey qul qulato ka dhacaday Gaalkacyo maalin kahor, ayaa dib u dhacay.

Dib udhaca kulankaan ayaan labada qolo midna ka hadlin, inkasta oo la sheegay in ay jiraan kulamo gooni Gooni ah, oo ay leeyihiin odayaasha labada dhinac, misana waxaa soo baxaya walaac ay qabaan dadka u dhuundaloola xaalada xasaradaas.

Sida ay noo xaqiijiyeen, Galmudug ayaa qul qulatadaan bilow ka dib hadalkii kasoo yeeray Puntland, kaas oo lagu mamnuucay gadiidka isaga goosha gobolada Koonfureed iyo iyo Gobolada Puntland, Gaalkacyan loo asteeyey xarunyta kala wareejinta badeecada labada dhinac ukala gooshaysa.

Hadaba qul qulatadaan ayaa Galmudug uga Golleedahay, in ay kaga hrtagto in Kastamka kala wareejinta laga sameeyo Koonfur galbeed Gaalkacy, oo ku beegan dhinaca koonfureed ee Xaafadda Garsoor oo horay u ahaan jirtay, xarunta kala wareejinta badeecoonyinka.

Halka warer kale ay sheegayaaan in ay Odayaasha Puntland qaarkood walaac ka muujiyeen, diyaar garoow ciidan oo si xawli ah uga socda dhinaca Galmudug, kaas oo hakad galiyey dadaalkii nabadaynta, inkasta oo aan wali laga quusan.

ilaa iyo hadda lama iclaamin xiliga rasmigaa oo uu dhacaya kulankaani, wakaaladda Puntlandes oo la xiriirtay qaar ka mid ah, dadka u dhuundaloola ayay u sheegeen, in laga warsugayo kulamada gooni goonidaa, waxa kasoobaxa.

About The Author