Sawirro: Dr C/qadir Indhabur & Drs Maymun M. Ciise oo ka caawin doona Mashruuca Bursaalax Xaga Cafimadka & Waxbarashada

29 Aug 2016 (Puntlandes) Dr Cabdiqaadir Indhabuur iyo Marwadiisa Drs Maymun Maxamuud Ciise ayaa waxay kula kulmeen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya Wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Mashruuca Horumarinta Bursaalax Cabdirashiid Faarax Xaaji-warsame waxayna u balanqaadeen inay ka caawin doonaan Mashruuca Horumarinta Bursaalax Xaga Cafimadka iyo Waxbarashada.

Wafdiga uu hogaaminayey Agaasimaha Mashruuca Horumarinta Bursaalax Cabdirashiid Faarax Xaaji-warsame oo booqday dalka Kenya iyo Uganda ayaa waxaa ka mid ah mudane Xuseen Aadan Seed, waxayna kula kulmeen Ganacsatada iyo Jaaliyadaha  Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Deeqdii ugu horaysay oo ay Dr Cabdiqaadir & Marwadiisa Drs Maymun Gudoonsiiyeen Mashruuca

Maantay, 29ka Agoosto 2016, away waxaa magalada Nairobi ku gudoonsiiyeen Dr Cabdiqaadir Indhabuur iyo Marwadiisa Drs Maymun Maxamuud Ciise Mashruuca Horumarinta Bursaalax Bugaag iyo Daawo ay ugu deeqeen.

Buugaagta ayaa ah kuwa Manhajka Dugsiga Sare waxaana soo dalbaday maamulka Dugsiga Sare iyo macalimiinta.

Munaasanadii ay Dr Cabdiqaadir iyo Marwadiisa Drs Maymun ku gudoonsiiyeen Buugaagta iyo Daawada Mashruuca ayaa waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Agaasimaha Mashruuca Cabdirashiid Faarax wuxuuna ugu horayn uga mahadceliyey Dr Cabdiqaadir iyo Marwadiisa Drs Maymun balan qaadka ay u sameeyeen Mashruuca iyagoo Deeqdii ugu horaysay iminkaba ku wareejiyey Mashruuca.

Waxaa kaloo ka hadlay Munaasabadda Xuseen Aadan Seed oo isna dhankiisa u mahadceliyey Dr Cabdiqaadir iyo Marwadiisa Drs Maymun.

Mashuura Horumarinta Bursaalax ayaa maamula Dugsiga sare ee Burar, Dugsiga hoose dhexe ee Cirro, Ceelasha biyaha, Beer wayn, Iskuulka Farsamada Gacanta, Koleej/Boodhin, Isbitaal wayn, Waaxda Arrimaha Diinta iyo Masaajidka. Mashruuca ayaa waxaa ka faa’iidaysata Arday aad u fara badan oo kor u dhaafaya 1500 arday.
Daawo sawirrada
230-5b7.

230-5b7

230-5b7a

230-5b7b

230-5b7c

230-5b7d

230-5b7e

230-7b7..
Puntlandes.com

About The Author