Akhriso waraaqo la helay: Gaalkacyo oo laga saaray Ciyaaraha Puntland

Wakaaladda Puntlandes ayaa heshay waraaqo loo qaybiyey kooxaha kubbadda cagta Puntland, kuwaas oo ay kooxuhu kuwada ciyaarayaan kulamo hordhac ah, oo ay ugu diyaar garoobayaan koobka guud ee kooxaha horyaalka Puntland.

Hadaba waraaq ay so soo saareen xiriirka kubbadda cagta Puntland, Puntland Foo ball Federation (PFF) iyo waraaq ay soosaareen xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, Soomaali Foot ball Federation (SFF), ayaa waxa lagu qeexayaa in aan Gaalkacyo ka dhici doonin Halkulan oo ciyaarahaas ka mid ah, iyada oo kulamadu ka wada dhici doonaan, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso.

Waraaqha ayaa waxaa ku jira khalaada badan oo iska hor imaanaya.

  1. Isku aad aadka waxaa soo soomeeyey SFF  sida ay ku sheegayaan waraaq ay sheegeen in ay kasoobaxday SFF.
  2. Waraaqaha awaxaa ku qoran Taariikh khaldan iyo maalmo Khaldan.
  3. Waraaqda kasoo baxday SFF, Saxiix Saaran iyo Tiibarana midba meel ayaa laga keenay, oo waxaa ka muuqatta in uusan saxiixin, ninka ku qoran ee gudoomiye ku xigeenka SFF.
  4. Laba kooxood oo Gaalkacyo gurigoodu yahay ayaa, labadabuba waxaa ay ku ciyaarayaan Garoowe.

Arintaan ayaa markii ay soobaxdayba waxaa aay dhalisay buuq iyo kala duwanaansho, ka dhashay magaaladda Gaalkacyo.

Dhinaca kale waxaa kasoo baxay Arin siyaasadeed.

Xoghayaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo C/qani Carab oo ah, nin kasoo jeeda Galmudg ayaa waxaa uu dadaal ugu jiraa sidii Gaalkacyo loogu qaban lahaa kulamada noocaan oo kale ah, ee ay ugu tala galeen Galmudug, halka oo uu doonayo in kulamada Puntland lagu qabto Garoowe, si loo cadeeyo in Gaalkacyo ay tahay meel ay Galmudug maamusho, oo aysan ka socon hawlo shaqo ay Puntland Maamulayso.

Sida ay Puntlandes, Xog ku heshay waxaa Liiska laga saaray Garsoorayaashii loo tab baray heer Soomaaliya, kuwaas oo Puntland u qaban lahaa kulamada ayaa iyagana liiska laga saaray, si ay u qabtaan kulamada kooxaha Galmudug, ee ka dhacaya Gaalkacyo, dhamaadka bisha September.

Ilaa iyo hadda majiraan wax maamul ah, heer Gobol, mid dagmo ama dowladda dhexe oo ka hadlay arinkaana Mana jiraan, marka laga reebo guux aan horay loo arag oo ka jira, Gaalkacyo.

Waraaqihii.

Jk Xiriirka

About The Author