Daawo Video-Dhagayso: Jubaland oo dib u fasaxday Qaxootii Kenya kasoo noqonayey!!

2 Sept 2016 (Puntlandes) Jubaland ayaa u ogolaaday inay safarkooda sii wataan qaxooti fara badan oo ku Xanibnaa Xuduuda Soomaaliaya/Jubaland iyo Kenya, kuwaas oo oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku xayirnaa deegaanka Dhoobley ee gobbolka Jubada Hoose.

158ab

Qaxootigan oo qeyb ka ah qaxootiga xerada Dhadhaab ee dib ugu soo noqonaya Soomaaliya, ayaa Jubaland ay xanibtay ayada ku doodeysa inay hay’adaha caalamiga ah aysan wax dib u dejin ah u diyaarin.

Go’aanka cusub ee Jubaland ay ku Fasaxday Qaxootiga ayaa yimid kadib wadahadlo dawlada Jubaland ay la yeelatay masuuliyiin ka socday hay’adda UNHCR oo tagay shalay magalada Kismaayo.

Dhagayso VOA waraysataya wasiirka arrimaha gudaha Jubbalanad General Maxamed Warsame Darwiish


Puntlandes.com

About The Author