Dhagayso-Daawo: Aqoonyahan Maxamed Xasan Garabeey oo laga waraystay Iskoolka Al-Taqwa oo uu Macalin ka yahay

3 sept 2016 (Puntlandes) Aqoonyahan Maxamed Xasan Garabeey  oo ah Macalin Barre ka ha Iskoolka Al-Taqwa oo ku yaala magaalaga Melbourne ee dalka Australia waraysi dheer siiyey Idaacadda SBS ayaa sharaxaad ka bixiyey Waxbashadda iyo Carqabadaha horyaala Ardayda Soomaaliyeed.

230-6a7

Aqoonyahan Maxamed ayaa waalidiinta Sooomaaliyeed kula teliyey inay Guriga ku Caawiyaaan caruurtooda si ay ugu guulaystaan Waxbarashadooda.

Aqoonyahanka ayaa ku nuuxnuuxsaday in haddii uusan waalidku la socon Waxbarashada caruurtooda oo aysana ku caawin Guriga inay adag tahay in Ardaygu uu ku guulaysto Waxbarashadiisa.

Waxa kaloo Aqoonyahan Maxamed uu Xasuusiyey Waalidiinta inay ku dadaalaan in Caruurtu habeenkii ay xili fiican Seexdaan si aysan u imaan Iskuulka iyagoo Hurdaysan oo Xalay oo dhan soo jeeday.
Dhagayso waraysiga Aqoonyahan Maxamed


Puntlandes.com

About The Author