Puntland: Shaqo La`aan Mise Baahi Shaqaale Baa Ka Jirta?

Daraasad: Puntland: Shaqo La`aan Mise Baahi Shaqaale Baa Ka Jirta? July – Sept. 2016

Dulmar Daraasaddaan

Daraasaddaan kooban, waxaa diyaariyay Shakib Dhowre, madaxa Kuliyadda barashada Cilmiga Duulista (Somali Aviation College-Somac) oo la kaashaday masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, sida Hey`adaha Amniga, Isbitaalada iyo Warbaahinta. Waxaa ayana dadaalkaan kaalin mug weyn leh  ka qaatay Ganacsatada, xarumaha lagu barto farsamada gacanta, ururka dhalinyarda, waaliddiin iyo shaqaale u shaqeeya hay`adaha aan dowliga aheyn.

 230-7b

Daraasaddaan inaan sameyno waxaa kallifay xaalado murugsan oo bulshada ka dhex guuxaya, tilmaan ahaana waxaan u soo qaadan karnaa qodobbadaan hoose

  • Sheeekooyinka tiiraanyada leh ee waalinddiinta ubadkoodii tahriibay, dhul-jiif qafaashay, Taleefoonkii u soo dhacana loogu caga-jugleynayo soo dir “Doollar” haddii kale ilmahaaga ka Samir
  • Tuurnaanta dhalinyarada barxadaha huteellada iyo makhaayadaha subax iyo galin danbeba, iyagoo ka goobaya beer-salaax (smart phone) war iyo wacaalkii dhiggoodii dhalanteedka u dhuuntay
  • Markaan aragnay inaan shacabku u diyaarsaneyn inay midnimo iyo iskaashi wax uga qabtaan dhibaatooyinka soo wajaha
  • Markaan waayo-aragnimo u leenahay in shaqo la`aantu tahay shil weyn oo qofka basharka karaamadiisa hoos u dhigta
  • Markaan saadaalinay duruufaha iyo faragalinta shisheeye ee ku deyran jiritaanka mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Marka ma dhabbaa?

Daraasaddaan waxaan ku bilaameynaa ma dhabbaa inay heysato  shaqo la`aan dhalinyara dhameystay waxbarashada dugsiga sare iyo heer jaamacadeed iyo inay ka jirtaba deegaamada Puntland shaqo la`aan baahsan guud ahaan.

Haddii ayen sidaas aheyn, ma waxaa jira shaqooyin badan oo aan laga faa`iideysan sababtay doonto ha ahaatee. Si aan u helno jawaab dheelitirran  ee cinwaanka kor ku xusan, bidhaamisana xaqiiqada ka jirta suuqa shaqada ee deegaamada Puntland, waxaan diirrada saarnay su`aalaha hoos ku qoran:

  • Ma dhabbaa in deegaamada puntland ay ka jirto shaqo la`aan baahsan?
  • Maxaase sabab u ah shaqo la`aanta haddii ay ka jirta?

Yaan su`aalaha weydiinay?

Sida kor ku xusan, waxaan sameynay baaritaan aan su`aalo ku waydiinay  masuuliyiin iyo shakhsiyaad ka kala tirsan hay`ado isugu jira kuwa dowliga ah iyo kuwo aan dowliga aheyn, shirkadaha, huteelada, makhaayadaha iyo qaar ka mid ah bulshada oo dhalinyaro u badan.

Qaabka aan ku xulannay xubnaha aan su`aalaha weydiinay

Raadinta jawaabo wax ku ool ah, waxaan raacnay qaab su`aaleedka aan saf-marka aheyn ee afka-qalaad loo yaqaan (random). Waxaan  si gaar ahana u kor istaagnay maxaa sabab u ah shaqo la`aanta ka jita deegaamada Puntland?

Maxaa ka soo baxay baaritaankii?

Baaritaankaas waxaa ka soo if-baxay jawaabo, talooyin iyo dhaliilo, xalna u noqon kara shaqa galinta dhalinyarada iyo siday hay`adaha iyo shirkadduhu u heli la haayeen shaqaale  tababaran, karti iyo dulqaad la soo tuujiyayna leh.

Nuxurkii Jawaabihii ay bixiyeen xubnihii aan su`aalaha waydiinay

Markaan wareysanay xubno ka tirsan hey`yadaha iyo shirkaddaha, dhammaantood  waxay noo sheegeen in deegaamada Puntland  ay ka jirto baahi shaqaale hawlkar ah,  tababaran, una hoggaansamaya nidaamka u yaal goobaha shaqaalaha looga baahan yahay. Intaas waxay  ku dareen talooyin  dhaxalgal ah  oo horseedi kara in hoos loo dhigo shaqo la`aanta.

Markaan si hoose u wareysanay qaar ka mid ah bulshada, gaar ahaan dhalinta waxbaratay dhamaantood waxay rabaan inay xafiisyo ka shaqeeyaan, iyaga oo gaashaan ka dhiganaya waxyaalihii ay soo barteen, iyagoo ka boodaya in sharuudaha  shaqo oo looga baahan yahay ay ugu horeeyaan xirfad gaar ah iyo waayo-aragnimo shaqo. Si kasta ha ahaatee, dhalintu waxay qirayaan labo xaaladood oo aan meel wada galin:

  1. Inay jiraan shaqooyin ayen aqoon ama xirfado u laheyn. Arinkaas oo keena inaan la buuxin shuruudaha lagu xiro shaqada.
  2. Inay jiraan shaqooyin si joogto ah loo helo, hase yeeshee ay dhalintu ka han-weyn yihiin oo ka faanayaan. Shaqooyinkaas waxaana ka mid ah:
  • Shaqooyinka huteelada iyo makhaayadaha sida karinta cuntada, adeegga macaamiisha iyo nadiifinta guud, sida goglidda, xaaqidda iyo mayrista
  • Dhismaha, tuubistaha, koronto gelinta iyo ka shaqeynta garaashyada
  • Farsamada alwaaxda, biraha iyo alxanka
  • Nadiifinta, sida goobaha shaqooyinka, guryaha iyo dariiqyada.

Markaan ogaanay qodobka (2) waxaan u tagnay goobaha shaqo ee shaxda hoose muujineyso, si aan u waydiino mushaarka ay bixiyaan, inay tababaro siiyaan shaqaalaha cusub iyo dalacsiin. Astaanta sax macnaheedu waa “haah”.

Shaqada Mushaar bishii Saac maalintii Tababar Dalacsiin
Huteelada $150-300 12 ü ü
Makhaayadaha $100-200 12 ü ü
Nadiifinta $50-100 8 ü ü
Jaariyad $70-100 8-12 ü ü
Dhismaha $150-300 8-9 ü ü
Tuubbiiste $300-450 ü ü
Korantada $250-400 8-9 ü ü
Alxanka $300-450 8-9 ü ü
Darawal $300-400 ü ü
Mat/ Boodhiga Gawaarida $250-400 8-9 ü ü
Qaboojiye $250-450 ü ü
Harqaan $150-200 8 ü ü
Farshaxanka $150-200 8 ü ü

Fiiro gaar ah: Mushaarad shirkaddahu bixinayaan waxay ku xiran tahay shaqada laguu igmado, waayo-aragnimada iyo aqoonta aad u leedahay shaqadaas. Intaas waxaa dheer huteellada iyo makhaayadahu waxay shaqaalaha siiyaan cunto saacadaha ay shaqada ku dhex jiraan.

Shaxdaan kore waxaan la wadaagnay dhalinyarada, si aan u ogaano:

  • Sidey u arkaan inay ka hawlgalaan shaqooyinka la heli karo
  • Maxaa la yeelin haddii la waayo xafiis iyo gaari shaqada la isku geeyo?

Han waa wiil  dhalinyara ah oo ka jawaabaya su`aalaha wuxuuna yiri;

“Soomaalidu waxay tiraahdaa meel ka muuqo ama ka maqnaw, hankeygu ka weyn yahay inaan makhaayad iyo dhoobo ka shaqeeyo oo $100 bishii qaato”.

Han waxaan waydiinay maxaad rabtaa inaad noqatid waayaha danbe?. Wuxuu yiri dhakhtar dadka daaweeya. Jawaabtu Han kaligi kuma koobnee waa mid saaran bishimaha dhalinyarada 99%. Markey aragtid sidaan tahay, waxaan iswaydiinay maxaa sabab u ah in dhalinyaradu daneeyaan dhakhtarnimada? Markaan su`aalo kala duwan waydiinay dhalinyaro badan, waxaa nooga soo baxay inaan dhalinyaradu ayen ku soo baran dugsiga sare wacyigalin ku saabsan qeybaha tacliinta sare, wayo-argnimo shaqo iyo talo siin ku aaddan waxa aradaygu ku fiican yahay inuu barto.

Markaan aragnay jawaabta Han iyo in dhalinta qaarkood socod, labbis iyo muuqaalba baddalmay, naftooda iyo bulshada kalaba ay khatar u yihiin; waxaan u  tagnay madaxda ciidanka  booliska iyo maamulka isbitaalka guud ee Galkacyo, waxana waydiinay maxay  tahay saameynta ay shaqo la`aantu ku leedahay arrimaha bulshada guud ahaan?

Taliska boolika oo ka jawaabaya su`aasha kore waxay yiraahdeen:

  • Shaqo la`aantu waa shil weyn oo dhibaato ugu filan qofkasta, gaar ahaana dhalinta xoogga soo kornaya ah
  • Markii dhalin badani waayeen rabitaankoodii dhoofitaan ama shaqo, waxaa u sahlanaaday inay dhex galaan balwadda noocyadeeda kala duwan, waxayna u nuglaanaya inay dhexgalaan falal danbi sida jid gooyo iyo dhac horseeda khasaaro naf iyo mid hantiyeedba
  • Waxaa jira kooxo ka faa`iideysta khaladaadka dhalinta oo gata hantida dadweynaha laga soo dhaco sida taleefoon iyo murriyadaha dumarka
  • Dhalin badan boolisku waxay u sheegeen inay la noolyihiin ehelkood, ayena helin daryeelkii iyo dadab galintii hooyo iyo aabbe

Maamulka isbitaalka guud oo ka hadlaya saameynta shaqo la`aantu leedahay:

  • Xiliyada qaarkood waxaa isbitaalka la keena dhaawacyo ay geysteen dad jid gooyo dhigtay oo dhaca hanti dadweyne
  • Daaweynta shilka noocaasi ahi waxuu nagu tahay culeys weyn, oo naga hor-is-taagta bukaankii aan wax u qaban laheyn iyo sii wiiqidda heyntii isbitaalka guud oo awalba dhan kasta u koobnaa.

Markaan daraasadda sii dhex galnay waxaa noo soo ifbaxay tubo cusub oo xal dhaw iyo dhiig joogin u noqon kara shaqo la`aanta. Waxaan isweydiinay ma jiraan dugsiyo lagu barto Farsamada gacanta, hadday jiraana sidee dhalinyarada loogu qanciyaa inay bartaan farsamada gacanta?

Magaaladda Galkacyo waxaa ka furan Xarumo gaar loo leeyahay oo lagu barto Farsasmada gacanta sida, GECPD, Vocational Training Center iyo Garaashyo. Markaan dhageysanay masuuliyiin ka tirsan xarumaha lagu barto farsamada gacanta waxay si cad u qeexeen inay aad u yaryihiin dhalinyarada u diyaarka ah inay bartaan farsamada gacanta. Sababta dhalinta ka hortaagan inay bartaan farsamada gacanta waxay ku sheegeen “dhalinta maanka waxaa uga jirta inay Xafiis fariistaan ama tahriibaan. Dabeysha dhalinta dul martay soo noqonmeyso arinkii abwaan Cali Cilmi Afyare wakhti hore tixda ku yiri “Dowlad wada garraani ah dunidaba kama jirto”.

Waxaa xusid mudan inaan aragnay meherado ay furteen ardadii ka baxday Xarumaha Farsamada gacanta ee aan soo sheegnay. Guusha Alle baa bixiya, hase yeeshee qofkuu siin dadaal baa sabab looga dhigaa. Murtida Soomaalida waxaa ku jira maahmaah oraneysa “fadhi iyo fuud Yicibeed la isku waayay”. Waxaa kale oo aan u tagnay masjiyada magaaladda waxaana waydiinay maxay diintu islaanku ka qabtaa ma shaqeystaha, shaxaadka iyo qabweynida? Masjidka Dulqarneyn khudbaddii Jamcihii 12/8/2016 waxaa lagu soo qaatay wanaagga ay leedahay shaqada gacanta iyo taariikhdii Anbiyadii  xoogsan jiray, sida nabi Daa`uud, Zakriya, Muuse iyo Nabi Maxmed nabad iyo naxariis korkooda ha ahaatee, oo ka shaqeyn jiray farsamada, ari raacid iyo ganacsiga.

Shiikhii khudbadda soo jeedinaayay wuxuu ku dheeraaday sharafka, kheyrka ku iyo xalaasha miiran oo ay leedahay shaqada gacanta laga qabto.

Dhaliilaha la soo jeediyay waxaa ka mid ah

  1. Shirkaddaha oo shaqaalaha ay qaadanayaan aan shaacin, jagadii ka banaanatana geed ugu xira xigtadooda. Hase yeeshee markaan u tagnay shirkaddaha qaar waxay na tuseen bogga internet-ka ay ku leeyiih oo shaqooyin ka bannaan ay ku soo bandhigeen
  2. Dhaqanka qabweynida, ma shaqeysiga iyo shaxaadka oo bulshada ku batay.
  3. Ganacsatada oo ka maqan ka ganacsiga hawlaha waxbarashada.
  4. Ineysan xafiisyada wasaaradaha dowladda ayan si dheelitiran uga wada howgalin gobollada puntland, haddii wax jiraana ma dhaafsiisana wakiil hebel
  5. Waxaa la dhaliilay kaalinta dowladda Puntland ee ku aaddan hirgalinta dugsiyo lagu barto farsamada gacanta.

Markaan baaritaan dheeraad ah ku sameynay qodabka 5, waxaa noo soo baxay in dhaliishu jirto, dowladuna ayen ku guuleysan muddadii ay jirtay horgalinta dugsiyo lagu barto Farsamada gacanta.

 

Gunaanadkii qeybtii daraasadda ee aan ka uruunay gobolka Mudug

Ujeeddada daraasaddaan waxay ku qotantaa in shacabka iyo “Guuleed hurdaba”   loo sheego xaalada dhabta ah ee dhalinyarada deegaamada Puntland ay ku sugan yihiin. Daraasaddaani waa wacyigalin iyo baraarujin si looga wada tashada, loona diyaar garoobo sidii wax looga qaban lahaa dhiilada jirta.

Waxaa talo soo jeedin naga ah:

  • Dhisidda kulliyado lagu barto farsamada gacanta iyo xirfadaha gaarka ah
  • Furitaanka Xafiisyo shaqo (job center) oo shirkaduhu u soo gudbiyaan shaqooyinka ka bannaan iyo sharuudaha ku xiran. Xafiisku waxuu noqonayaa xarun sahasha isku xirka shaqooyinka bannaan iyo xoogsatada
  • Sameynta iskaashato shaqo u abuurta dhalinyarada

Haddii Alle idmo dadaalka iyo wacyigalinta waan gaarsiineynaa gobollada kale ee Puntland. Ka qeybqaado dadaalkaan curtay Hal-ku-dhageenuna waa  “furaha khasnadaha lacagtu waa farsamada gacanta”.

 

Mahadsanid.

Qore: Shakib Dhowre

Tel:0907686796

Email: shakibdhowre@ymail.com

Galkacyo, Puntland

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author