DAAWO MUUQAAL: PROF GERARD OO KULA TALIYEY SOMALILAND INAY WEERARTO DALKA JABUUTI SI AY U HESHO

Prof Gerard’s Advice to Somaliland – Attack Djibouti

Dhammaan Umadda Somaaliyeed, waxaa sharaf ii ah in aan idinla wadaagno VIDEO CLIP kan, oo aan filayo inuu si fiican oga turjumayo Maskaxda dadka Somaliyeed.

230-6d7a

Prof Gerard waxa uu ku howlanaa muddo siduu aqoonsi ugu helilahaa Somaliland, haddaba bacda shiddo watacab, waxuu Prof Gerard talo kusoo jeediyay sidatan hoose.

Somaliland sida wanaagsan oo ay hadda wax ku waddo (Aqoonsi raadinta), waa si wanaagsan, oo ka turjumaysa Demoqraadiyada, shirar badan oo caalimahi ahi la qabto, la sharaxo Somaliland waxay tahay, lakin aqoonsiga sidaas kuma imaanayso.

Aqoonsiga waxay ku imaanaysaa si ka baddalan sida aad hadda wax u raadinaysaan, waana inaad raacdaan talooyinkan hoose.

1) Waxaad leedihiin Dowlad Yar oo daris idinla ah ( Small Geo-Political Border Country), Djouti  ku duula, dagaalna gudaheeda ka abaabula.

2) Dunida hadda casriga ahi, xilligan uma shaqayso aamusnaan, aqoonsina laguma helo, sidaas darteed waa inaad muujisaan dhaq-dhaqaaq ka baddan sida aad hadda tihiin.

3) Caruurtiina qaarbaan aqoon Somalia, hadda waxaad qarka u saaran tihiin in qaar badan oo iyaga ka mid ahi inaysan aqoondoonin Somaliland, baddalkeedana ay Daa’ish ku biirayaan, barri ka gadaal Somali Land ay noqon doonto xarun arga-gaxiso.

4) Si taasi looga fogaado, fadhiga ka kaca, kuna duula Djouti, aniga oo og inay i dhibayso dhimashada wiilashiina.

Somaliwaynay, waxaa goobtaasi ka fadhiya waa rag magac ku eh Somali, isla markaasina aad loo yaqaan, waxaan soo qaadanayaa oo kali ah, goobtana fadhiya, sacabna tumaya labadan oday, ( Prof Ahmed Ismail samater, Faysan Ali Warabe ).

Inta kale adinka ayaan idin daayay.

Qore: Mohamed Abdi F. Bootaan-Shiike


Daabacadii Puntlandes.com

About The Author