Galmudug oo Qalabkii Dhismaha & Malayshiyadii kala baxday Goobtii ay doonaysay inay Saldhig ka dhisato ee Galbeedka Xafada Garsoor ee Galkacyo

4 sept 2016 (Puntlandes) Maamulka Galmudug ee ka arimiya xaafada Baraxleey ee ku taala koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu isku dayey inuu Saldhig Ciidan ka dhisto goob ku taala Galbeedka Xaafada Garsoor ee Puntland, taasoo keentay Xiisad maalmahan Taagneyd oo u dhaxaysay Beesha degta Galbeedka xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo iyo maamulka Galmudug.

IMG_4431

Hal mar ayaa waxaa qabsoomay wado hadal Dhexmaray odoyaasha Beesha Leelkase ee Puntland iyo odoyaasha Xaafada Barxleey ee Galmudug kaasoo aan mira dhalin kadibna waa suurto geli wayday kulamo kale markii ay Beesha Galmudug dishay Ganacsade kasoo jeeda Beesha Leelkase ee Puntland.

Odoyaal dhanka koonfurta ee maamulka Galmudug ayaa Sheegay maanta in ay Ciidankii iyo Qalabkii Dhismaha ka Qaadeen Goobtii ay doonayeen inay ka dhistaan Saldhiga Ciidan sidaasna ay ku joojiyeen.

Puntlandes.com

About The Author