Deg deg: Wararkii ugu danbeeyey ee Dagaalka Bariga Gaalkacyo

5 sept 2016 (Puntlandes) Dagaalkii qarxay maanta duhurkii ayaa mar labaad la isku laabtay, kadib markii ay dib usoo laabteen, Maleeshiyaadkii ciidanka Galmudug, kuwaas oo dadaal xoogan ugu jiray in ay gurtaan maydad iyo halkaas uga tageen.

DAGAAL-GAALKACAYO-3

Sida la xaqiijiyey 6nin oo mayd ah ayaa laga arkay oo ay ka carareen ciidankii weerarka sooqaaday, Halka ay jiiteen gaari waxyeelo kasoo gaartay.

Dagaalka ayaa la isku habaynsaday, iyada oo ay wali xabaddu dhacayso, mana jirto cid xaqiijin karta khasaarah ka dhashay dagaalkaas, Inkasta oo dhinaca Xoolo dhaqatada ay Puntlandes.com u xaqiijiyeen dhaawaca 3ruux, waxaana halkaas wali gaaraya Gurmadyo uga imaanaya xoolo dhaqato kale oo halkaas ka agdhow.

Lasoco wixii kasoo kordha.
Xafiiska wararka
Puntlandes-Gaalkacyo

About The Author