SAWIRRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Ka Qayb Galay Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee Maanta Ka Furmay Muqdisho

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 September, 2016 waxaa uu ka qayb galay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee doorashada Soomaaliya, kulankaas oo ka furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ,Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari iyo Madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii anba qaadi lahaa qorshe howleedyada lagu diyarinayo doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016, waxaana la isla qaatay in ay muhiim tahay doorasho dalka ka dhacda sanadkan 2016, taasi oo lagu gelayo qorshayaasha ay madashu ka wada tashatay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee doorashada Soomaaliya ayaa caddeeyey in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay si adag ugu diyaar garoobeen inay dalka ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin dib u dhac ku yimaada mar kale doorashada Soomaaliya.

IMG_5860IMG_5867IMG_5870IMG_5873IMG_5901IMG_5904IMG_5914IMG_5926IMG_5939IMG_5959IMG_5961IMG_5965IMG_5974IMG_5976IMG_5979IMG_5988IMG_5996IMG_6002IMG_6007IMG_6012

About The Author