Akhriso: Wareegto uu madaxweyne kuxigeenka Puntland ku magacaabay Guddiga dib u Dhiska Isbitaalka Gaalkacyo & Codsi ka yimid Guddiga

6 sept 2016 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdikaxiin Cabdulaahi Xaaji Cumar (Camay) ayaa magacaabay guddiga dib u dhiska Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo.

0-7

Gudigaas ayaa ka kooban 19 Xubnood oo 13 ka mid ah ay yihiin Shaqsiyaad Aqoonyanaho iyo Culumada ah oo Gobolka Mudug si wayn looga yaqaan waxaana Gudoomiye u ah Prof Maxamed Jaamac Salaad oo ah Takhtar si wayn Puntland iyo Soomaaliya looga yaqaan.

Dhanka dawlada ayaa waxaa ku jira Guddiga 6 Xubnood oo ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Wasiirul dawle, Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, iyo laba Xildhibaan.

Waxaa laga Codsanayaa Dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee wanaaga jecel iyo gaar ahaan reer Punytland guduha iyo Dibadaba inay ka qaybqaataan taageero dhaqaalena ka gaystaan Dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo, Waxaana la xusuusinayaa in Taageeradiina aad loogu baahan yahay ayna yaraan lahayn 1 Doolar wax wayn ayey taraysaa.

Waxaa si gaar ah Jaaliyadaha Dibadda looga Codsanayaa inay sidii Caadada u ahayd ay sida ugu dhaqsaha badan uga qayb qaataan Taageero dhaqaalana ka gaystaan Dib u dhisida Isbitaalka Guud ee Galkacayo.

AKOONADA GUDDIGA

Amal Bank : 1011914967
Iftin Bank :384488
Dahabshiil Bank: GLKD002475
Sahal Number: 463406
E-Dahab: 44445
Kala xiriir: Gudiga Dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Galkacayo
Telefonad kala ah: 0907795005, 090791355, 0907795529
Akhriso Wareegtada

230-7c2

Puntlandes.com

About The Author