Sawirro: Soomaaliya iyo Suudaan oo kala Saxiixday Heshiis wada shaqayn dhanka Waxbarashada

8 sept 2016 (Puntlandes) Wasiirka waxbrashada DFS Dr Cabduqaadir Cabi Xaashi ayaa heshiis wada shaqeen ah la saxiixday dhigiisa dalka suudaan Drs Sumaya Abuu Kashwah, heshiiska ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta heerka wada shaqeen dhan walbo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyadoo wasiirka waxbarashada Dowladda Soomaaliya uu sheegay in deeqaha waxbarasho ee Dowlada Suudaan siiso Soomaaliya sanadka lagu siyaadinayo deeqaha waxbarasho ee Master iyo PHD halka markii hore deeqahaasi ay ku koobnaayeen bachelor digree.

Dr Cabduqaadir Cabdi Xaashi wasiirka waxbarashada ayaa intaasi sii raaciyay in deeqahan ay ka faa`iidi doonaan kumanaan arday oo awoodin in ay sii wataan waxbarashada qeebaha kala duwan.

Dhanka kale wasiirka ayaa markii uu soo idlaaday heshiiska waxa uu kulan xog waraysi ah la yeeshay ardayda dhigata jaamacadaha suudaan kuna qaabilay hoolka wayn ee jaamacada Africa isaga oo ka dhageestay ardaydii ku sugneed hoolkaasi talo iyo tusaale, halka uu isna siiyay ardaydaasi baraarujin dhanka waxbarashada iyo in ay ku dadaalaan kana miradhaliyaan hadafka ay u soo baxeen .

IMG_20160907_151922

IMG_20160907_151106

IMG_20160907_151834

IMG_20160907_151812

IMG_20160907_143504

IMG_20160907_120936

IMG_20160907_115642

IMG_20160907_115524

DSC08374

IMG_20160907_114515

IMG_20160907_112455

IMG_20160907_112314

IMG_20160907_112418

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandes.com

About The Author