Jaaliyadda Kenya Oo Ka Qayb Qaadanaysa Dib U Dhiska Dhismayaashii Ku Bur Buray Qaraxyadii Gaalkacyo (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobalka Mudug iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya ayaa saaka kormeeray dhismayaashii ku bur buray qaraxyaddii 21-kii bishii Agoosto ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Xassan Khaliif Maxamed  iyo Axmed C/llaahi Black ayaa kormeeray Suuqyadda Xero Dayax, Dowladda Hoose iyo Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo ay wali ka muuqdaan bur burkii ka soo gaaray labadii qarax ee dhacay.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya, Axmed C/llaahi Black ayaa sheegay inuu u yimid Gaalkacyo si uu u arko khasaarihii ka dhashay qaraxyadda, waxaana uu tilmaamay iney ka qayb qaadan doonaan dib u dhiska lagu samaynayo.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug, Xassan Khaliif Maxamed  ayaa u mahadceliyay Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya, waxaana uu Jaaliyadaha kale ugu baaqay iney ku daydaan oo ay ka qayb qaataan dib u dhiska xarumaha bur buray.

Halkaan ka daawo sawirro:-
img_5411 img_5413 img_5415 img_5417 img_5418 img_5421 img_5423 img_5429 img_5433 img_5435 img_5436 img_5438 img_5439

About The Author