Puntland ayaa amartay in la baaro gaadiidka isaga kala gudbaya deegaanadeeda (Akhris + Dhageysi)

Wareegto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Xaaji (Cumar) ayaa lagu amray in baaritaan adag lagu sameeyo Gaadiidka rakaabka ah ee isaga kala gudbaya deegaanada Puntland.

Baaritaanka ayaa la sheegay in lagu ilaalin doono sharafta muwaadininta iyo sharciga baarista amniga, waxaana la tilmaamay iney tahay talaabo la doonayo in lagu xaqiijiyo nabad-gelyada dhamaan deegaanada Puntland.

Wareegto oo goor dhaweyd soo baxday, waxaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland, C/llaahi Quraan-jecel.

HALKAAN KA DHAGESO:-

HALKAAN KA AKHRISO:-
14212769_1472499369433670_5137051760552967913_n-1

About The Author