Faahfaahin Goobtii loo asteeyey inuu ka dhaco shirka IGAD oo madafiic hoobiyayaal lagu garaacay

8 sept 2016 (Puntlandes) Hoobiyaal ayaa maanta lagu weeraray agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho iyo meel u dhow Hotel Peace.

Hotel Peace ayaa loo Asteeyey inuu ka dhaco shir madaxeedka IGAD oo Sabtida furmaya, wuxuuna ka soo hor jeeda Madina Gate, irida Xarunta Xalane oo ah meesha Fariisinka u ah Beesha Caalamka.

158ab

 

Waxaa muuqata inay Kooxda Alshabaab ay heshay Xogta ah in halkaas lagu qaban doono shir madaxeedka IGAD oo Sabtida furmaya sidaasna ay Weerarkaas loo adeegsaday Hoobiyayaasha ugu qaadeen.

Goobta uu ku yaalo Hotel Peace ayaa ah meel Amnigeeda aad loo adkeeyey maadaama uu kasoo jeedo Xarunta Xalene uuna u dhow yahay Garoonka Diyaaradaha.

Puntlandes.com

About The Author