Dhagayso: Micheal Keating ”Qaabka ay Doorashadan u dhacayso waxa uu ku salaysan yahay wada xaajood Siyaasadeed oo mudo dheer socday”

10 sept 2016 (Puntlandes) Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inay qaabka ay Doorasha Soomaaliya ay u dhacayso uu ku yimid wada xaajood Siyaasadeed oo mudo dheer socday.
230-7a
Keating ayaa intaas ku daray inuu qayb ka yahay Geedi dheer oo loogu jiro sidii ay Soomaaliya uga hanaqaadi lahayd dawladnimo taam ah.

Dhanka kale Keating ayaa shaki ka muujiyay in doorashada Soomaaliya ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, isagoo caddeeyay in Beesha Caalamka aanay aqbali doonin khilaaf siyaasadeed oo sababa dib u dhac doorasho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka iyo ururada bulshada rayidka aanay aqbali doonin dib u dhac dambe oo ku timaada doorashada.

Micheal Keating ayaa riri“Beesha Caalamka iyo ururada bulshada rayidka ma aqbali doonaan khilaaf siyaasadeed oo sababa din u dhac aan waqtigiisa la ogeyn inuu doorashada ku yimaado”ayuu yiri.

Doorashada oo loo qorsheeyay inay dhacdo 30 bisha October ayaa dad badan shaki gelinayaa in xilligii loogu tala galay ku dhacdo.

Dhagayso Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating


Puntlandes.com

About The Author