Faallo: Waxay u daran tahay C/kariim & Shariif Xasan Haddii dib loogu laabanayo wixii lagu soo Heshiiyey ee hasoo Celiyaan wixii ay xaqdarada ku heleen!!!

10 sept 2016 (Puntlandes) Magaalada Muqdisho Waxaa ka Socday Shirka Madashada Hogaamiyayaasha Qaran oo qorshuhu ahaa in looga arinsado qodobo yar yar oo ka dhimanaa Hanaanka Doorashada Dalka Soomaaliya, laakiin Miiska hoostiisa lala soo baxay in dib loogu noqdo wixii lagu soo Heshiiyey.

Waxay Siyaasiyiinta Soomaalidu Caado ay ka dhigteen 26kii sano ee u dambeeyey in Shir kasta wixii hore loogu soo heshiiyey aysan waxba ka jirin ama la diido fulinta wixii lagu heshiiyey taasoo aan ku salaysnayn dhaqanka dawlanimo iyo dhaqan suuban ee ku salaysan is aaminaad.

Hanaanka Doorasho ee ilaa iminka lagu soo Heshiiyey waxaa loo soo maray wado aad u dheer oo Is qabsi iyo dood dheer ka dib la isku tanaasulay laguna Heshiiyey in sidaas lagu saleeyo Doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo.

Waxay u daran tahay madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) Cakariim Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan haddii ay diidaan wixii lagu soo heshiiyey oo ay dalbadaan in dib loogu laabanayo wixii lagu soo Heshiiyey.

Wararka laga helayo Shirkaasi ayaa sheegaya inuu Galay Waji ka duwan kii Qorshuhu ahaa kadib markii Madaxweynaha Galmudug oo taageero ka helaya kan KGS ay dalbadeen in dib loogu noqdo Qodobadii horay ay Madashu DOOD dheer iyo is qabsi ka dib kusoo Heshiisay ee la xiraaray Aqalka Sare.

Galmudug ta C/kariim, Sadbursigay heshay & Sharcinimadeeda

196-13

Maamulka aan DASTUURKA WAAFAQSANAYN ee Galmudug oo uu madaxweynaha ka yahay Cakariim Xuseen Guuleed waxay awalba Puntland iyo Jubaland ku Aqbaleen waxay ahayd TANAASUL SOOMAALINIMO ee ma uusan waafaqsanayn DASTUURKII ay ummadda Soomaaliyeed ku Heshiisay kaasoo Qorayey inay Dawlad Goboleed noqon karaan laba Gobol iyo wixii ka badan markay maamul samaystaan iyadoo uusan Buuxin maamulka Galmudug ee ka kooban Galgaduud oo aysan ka talin iyo Mudug BARKIIS (Gobol iyo Bar).

 

Dastuurkii ay Soomaaliyi kusoo heshiisay waxaa ku qornaa in Aqalka Sare uu ka Kooban yahay 54 Xubnood oo 18ka Gobol ee Soomaliaya ka kooban tahay uu Gobol kastaa ka helayo 3 Xubnood taasoo uu ka hor yimid Cabdikariim ka Galmudug taareena kaga helay madaxweynihii hore ee DFS Xasan Sheekh.

Iyadoo uu maamulka Galmudug uu Gobol iyo bar ka kooban yahay uusana buuxun Sharuudahii Dastuurka oo loogana Tanaasulay ayaa wuxuu madaxweynihii hore ee DFS Xasan Sheekh siiyey 8 Xubnood halka ay xag u lahaayeen 4 Xubnood halkaas waxaa SADBURSI ku ah 4 Xubnood.

KGS ka Shariif Xasan & Xaqdarada 4.5

27a

Maamulka KGS ee uu hogaamiyo Shariif Xasan waxaa iyana looga tanaasulay oo ummadda Soomaaliyeed Xaqdaro ku ah habka Foosha xun ee 4.5, kaasoo uu u SADBURSI ku helay maamulka Shariif Xasan oo iminka kusoo xulanaya Baydhabo Xildhibaanada ugu badan.

Shariif Xasan ma aha inuu Ummadda Soomaaliyeed ee wanaaga Soomaaliyeed jecel inuu wuxuu doono ka samaysan karo haddii shaly looga Tanaasulay 4.5 oo uu SADBURSI ku doonayey maantana ma wuxuu is yiri waa kiugu yar yihiin Xubnaha Aqalka Sare e ku qabso oo ha laguu badiyo ama ha la laalo?

Ma aha macquul inay ku fekeraan Cabdikariim iyo Shariif Xasan inay qaataan wax walba, waxayna tagaysaa inay soo celiyaan wixii ay SADBURSIGA ku heleen.

Maxaa ka jira waxa lagu haysto Puntland?

230-6d1

Puntland waxay Soomaalinimo in la helo u tanaasushay wixii ay Xaqa u lahayd iyadoo ogolaatay:

  • Habka Qabaliga ah 4.5 ee Shariif Xasan
  • In Galmudug oo ka kooban Gobol iyo Bar ay maamul ahaan ku shaqayso iminka
  • In Galmudug oo ka kooban Gobol iyo Bar ay 8 Xubnood oo SADBURSI ah ay ka hesho Aqalka sare

Puntland waxay ka kooban tahay 5 Gobol iyoi Degmada Buuhoodle mana jirto wax loogu daray Aqalka Sare ee waxaa loogu daray Somaliland, waxayna XAQ u hali lahayn Puntland ugu yaraan 16 Xubnood oo Aqalka sare haddii Gobol lagu qaybsado.

Waxqaybsigii Aqalka Sare & 4.5 ma jirayaan!!!

Waxaa meesha ka baxaya Waxqaybsigii Aqalka Sare ee uu maamulka Galmudug oo aan Buuxin Sharuudihii Dastuurka uu ka helay 8 da xubnood iyo Habka Qabaliga ah ee 4.5 oo uu Sadbursiga ku helay maamulka KGS, waa haddii dib loogu noqdo wixii horay dood dheer iyo is qabsi lagu soo heshiiyey.

Waxaana ku Khasaaraya maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) Cakariim Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan oo ku helay waxaysan XAQ u layn oo SADBURSI ah.

Puntlandes.com

About The Author