XOG-Faahfaahin: Aqalka Sare oo lagu heshiiyey in lagu celiyo sida Dastuuku qabo 54

11 sept 2016 (Puntlandes) Warka kasoo gaaraya Warbaahinta Puntlandes Villa Somalia ayaa sheegaya in Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha Qaran oo ku sigtay inuu Burburo ayaa waxaa heshiis laga gaaray Tirada Xubnaha Aqalka Sare.

IMG-20160906-WA0002

Shirka Madasha Hogaamiyayaasha Qaran ayaa laga soo bilaabo 6dii bishan waxa uu u Xayirnaa Qodobka Aqalka Sare oo qaar ka mida Maamulada dalka ay dood ka keeneen iyagoo doonayey inay Tiro dheeraad ah helaan ama la laalo gabi ahaantiisba.

Madasha ayaa isku raacday in Aqalka Sare in lagu celiyo sida Dastuuku qabo ee ah inuu ka kooban yahay 54 Xubnood.

Madaxweynaha Jubaland Axmed madoobe ayaa go’miyey arinkaas kadib markii hanqal taaga madaxweynaha ee in Beeshiisu ka hesho tiro Sadbursi ah uu batay, wuxuuna sheegay inuusan aqbalayn in dood danbe laga yeesho Aqaka Sare.

Waxaa lagu Saleeyey Dawlad Goboleedyo iyo ay meesha ka baxeen labadii Kursi ee loogu daray Beelaha Banaadiriga, waxaana ay noqonayaan Kuraasta ay ka helayaan dawlad Goboleedyadu sidatan:

  • Puntland 11 Xubnood
  • Somaliland 11 Xubnood
  • Galmudug 8 Xubnood
  • Jubaland 8 Xubnood
  • KGS 8 Xubnood
  • Hiiraan/Sh. Dhexe 8 Xubnood

Isugayn waxay noqonaynaa 54 xubnood waana sidii loo qaybsaday markii ugu horaysay.

Waxaa iyana gabi ahaanba la laalay arrintii Muqdisho oo qiil loo waayey maadaama qaab dawlad Goboleed wax loo qeybsaday.

Arrinta kaliya ee hartay oo maanta ay ka doodi doonaan waa somaliland inta laga siinayo Beelaha Hartiga.

Puntlandes.com

About The Author