Daawo Xafladdii Bandhigga Buugta ee Cabdirisaaq Baraag uu ku soo bandhigay Gaalkacyo

11 sept 2016 (Puntlandes) Qoraa Cabdirisaaq Maxame Axmed (Cabdirisaaq Baraag) oo ka mid ah dhallinyarada reer Puntland ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay biloqgii July laba buug oo u ugu magac daray Qosal-Qiso iyo Qaamuska Eray Bixinta Casriga ah.

230-9a7

Badhigga buugagtan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Aqoonyahano, dhallinyaro, dhakhaatiir, haween iyo waxgarad ku nool magaalada Gaalkacyo.

Qooraa Cabdirisaaq Baraag ayaa si qoto dheer uga hadlay labada buug oo u soo bandhigay, waxuuna ku sheegay inuu filayo inay noqdaan kuwa bulshada wax ku soo kordhiya.

Dhammaan dadkii ka soo qayb galay munaasabada buugaagtan lagu soo bandhigay ayaa dhankooda sheegay in buugaagtan ay bulshada faa’iido badan u leeyihiin,waxayna iibsadeen Buugaagta Qoraa Cabdirisaaq Baraag.

Puntlandes.com

About The Author