DFS oo Xayiraaddii ka Qaaday Jaadka

13 sept 2016 (Puntlandes) Dawlada xiligeedii dhamaaday ee Soo,maaliya ayaa ka qaadday xayiraaddii ay horey u sheegtay in la saaray diyaaradihii jaadka ka keeni jiray Soomaaliya ee ka iman jiray dalka Kenya, kuwaasoo imaan jiray Koonfurta Soomaaliya.

230-8a4

Go’aankan ayaa lagu dhowaaqay kadib wada hadallo maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Aamina Maxamed oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa sheegtay in labada dhinac ay ku heshiiyeen afar qodob oo arrinta Jaadka ay ku jirto.

“Waxaa labad dhinac ay isku raaceen in dhaqdhaqaaqi diyaaradaha Jaadka dib loo billaabo 14-ka September” ayay tiri Aamina Maxamed.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in la isku raacay in laga shaqeeyo sidii loo qaadi lahaa ku hakashada diyaaradaha Soomaaliya ka imanaya ee magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Puntlandes.com

About The Author