Daawo Video-Warbixin-Sawirro: Madaxda Isbahaysiha Isbedel samaynta Somalia oo gaaray Bedelweyne lana kulmay Ugaas Xasan

16 sept 2016 (Puntlandes) Madaxda Isbahaysiha Isbedel samaynta Soomaaliya isla markaasna ah musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xildhibaano waqtigoodu dhamaaday ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyagoo la kulmay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo uu u horeeyo Ugaas Xasan.

Madaxda Isbahaysiha Isbedel samaynta Soomaaliya ee gaaray magaalada Beledweyne ayaa waxaa kamid ah Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed,Cabdiraxmaan  Cabdishakuur Warsame, Maxamuud Axmed Tarsan, Cabdulaahi Goodax Barre, Cabdiraxmaan Baadiyow,Yuusuf Cismaan Shimbir iyo xubno kale.

Kulan ay la yeesheen siyaasiyiintan iyo madaxda dhaqanka Gobolka Hiiraan ayey waxay ku taageereen mowqifka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee ah in aysan qayb ka ahayn shirka la sheegay inuu ka socdo ,magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe aysana raali ka ahayn shirka maamul u sameynta labada gobol Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan

Booqashada siyaasiyiintan ayaa waxay ku soo beegantay xilli uu shalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu sheegay inuu ka furay magaalada Jowhar shirka maamul u sameynta labada gobol Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah Isbahaysiha Isbedel samaynta Soomaaliya isla markaasna ah musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay wax aan la fahmi karin in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu soo saaro Qoraal uu ku caddeeyey inuusan Agaasime ama Shaqaale ka hooseeya uusan magacaabi karin isla markaasna uu shalay Jowhar ka sheego inuu maamul u dhisayo labada Gobol ee Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Musharax Tarsaan ayaa yiri “Marba haddii uu Waqtigu kaa dhamaado Sharcigu ma ogola, isagaana sheegayba wuxuu dhahay waxna ma magacaabi karo, waxna shaqo ka eryi karno…”

 

beledwe-1

231-1a2

 

beledwe-2

beledwe-5

beledwe-3

 

 

beledwe-6

Puntlandes.com

About The Author